4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 13, 2021
Safiirkii hore Maraykanka ee Soomaaliya oo madaxweyne Joe Biden ugu baaqay in ciidamada Maraykanka aan laga saarin Soomaaliya
 

Talaado, Janaayo, 13 2021 (HOL) - Safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ee Soomaaliya Stephen M. Schwartz (2016-17) tan iyo 1991 kadib, ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka, Joe Biden inuu ka noqdo go’aanka ciidamada Maraykanka uga baxayaan Soomaaliya uuna dejiyo siyaasad iyo istiraatiijiyad u gaar ah Soomaaliya.

Stephen M. Schwartz oo hadda howlgab noqday, ayaa sheegay tallaabadan in ay qatar galinayso amniga muwaadiniinta Mareykanka, amniga Soomaaliya, iyo danaha istiraatiijiyadeed, wuxuuna sheegay in lagusoo beegay xilli ay Soomaaliya ku jirto qalalaase siyaasadeed oo khatar ku ah xasilloonida curdanka ah ee Soomaaliya.

“Mareykanka waa inuu adeegsadaa qaab dowladeed si looga caawiyo dowladda soo socota ee Soomaaliya inay horumariso hay'ado lala xisaabtami karo oo hagaajin kara nolosha dadkeeda isla markaana wiiqi kara  kooxda Al-Shabaab. Milatariga kaligiis uma badna inuu xaliyo khilaafkaan, laakiin cadaadiska militariga ayaa ah qodobka ugu muhiimsan ee keenaya xalka wadahadalka,’ ayuu yiri Stephen M. Schwartz.

Stephen M. Schwartz  wuxuu sheegay Mareykanka inuu gacan ka geysan karo go'aaminta in Soomaaliya ay noqoto waddan xasilloon oo adduunka si wanaagsan ula falgala ama haddii ay weli hoy u tahay argagixisada caalamiga ah oo ay ka buuxaan musuqmaasuq, kala qaybsanaan, iyo khilaaf.

“Soomaalidu waa inay ahaadaan qorayaasha mustaqbalkooda, haddii hoggaanka xiga ee Soomaaliya uu muujiyo sida ay uga go'an tahay horumarka, markaa Mareykanka waa inuu ka caawiyaa inuu guuleysto,” ayuu yiri safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]