3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 12, 2021
Beesha Caalamka oo Warbixin ka soo saartay khilaafka Doorashada Soomaaliya

 

Talaado, Janaayo, 12. 2021 (HOL)- Qoraal dheer oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa looga hadlay walaaca guud oo ay ka qabaan Ismari-waaga wali ka taaggan geedi socodka doorashada Soomaaliya

Qoraalka ayaa u dhignaa siddan ''Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay aad uga walaacsan yihiin is-mari-waaga ka taagan hirgelinta hanaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. Waxaan ugu baaqaynaa saamilayda siyaasadeed ee sare inay muujiyaan hogaan iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo inay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta iyadoo loo marayo isu-tanaasul, si loosii guda galo geedi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca  sida ugu dhakhsiyaha badan.

Saaxiibadu waxay ka mahad celinayaan dadaalladii lagu dhaqaaqay dhowaan. Gaar ahaan, waxay soo dhoweynayaan booqashadii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegay Galmudug iyo Puntland; wada hadalladii dhex maray madax sare oo badan oo Soomaaliyeed oo uu Garowe ku martigaliyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni; iyo xiriiradii uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor,” oo soo gudbiyay talooyinkii ka yimid Garowe unasoo gudbiyay madaxda DFS iyo xubnaha kale ee siyaasadda.

Saaxiibadu waxay garwaaqsanyihiin in Heshiiska 17kii Sebtember ay ansixiyeen Dowladda Federaalka ah, dhammaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo labada gole ee Baarlamaanka, waxaana sidoo kale soo dhoweeyay musharaxiin badan oo u taagan xilka madaxweyne. In kasta oo saaxiibada iyo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka niyad jabeen in hanaankan uu aad uga hooseeyo doorashooyinka “qof-iyo-cod” ah, ayaa haddana heshiiska 17kii Sebtember wuxuu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021. Ma jiri karo dib-u-furid lagu sameeyo Heshiiska 17-kii Sebtember ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda.  Waxaa loo baahan yahay in is-faham ballaaran oo loo wada dhanyahay laga gaaro hirgelinta [heshiiskaas] si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan. Tani waa in ay la jaan-qaaddo ballan-qaadyadii lagu heshiiyay ee shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Saaxiibadu waxay soo dhaweynayaan dadaallo dardar-gelin leh oo sida ugu dhakhsiyaha badan loogu xalliyo arrimaha taagan, looguna soo gabagabeeyo is-faham la gaaro maalmaha soo socda, si ay doorashadu u bilaabato dabayaaqada bishan.

Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan madaxda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan oo ay si buuxda u hirgeliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ku yeelanayaan baarlamaanka, sidii ay ugu ballanqaadeen heshiiska 17kii Sebtember.

Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku celinayaan in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabshado aan la aqbali karin. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan kaas oo musharaxiinta ay awoodaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqeyso xayiraad la’aan.

Waa in la joogteeyo jawigii wadahadalka iyo isu-tanaasulka ku salaysnaa ee hor-seeday in la gaaro Heshiiska 17kii Sebtember si geedi-socodka doorashada horay loogu sii amba qaado.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    













Click here
1/12/2021 4:13 PM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Madaxwyenaha Puntland Siciid Deni ayaa kala diray golihii deegaanka degmada Gaalkacyo, sida lagu sheegay wareegto caawa kasoo baxday madaxtooyada Puntland.

1/12/2021 1:34 PM EST
Talaado Janaayo, 12, 2021 (HOL) - Goob ku taal koonfurta magaalada Laascaanood ayaa caawa fiidkii qarax ka dhacay kaas oo la sheegay in uu ahaa bam gacmeed.

1/12/2021 11:39 AM EST
Talaado, Janaayo, 12, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa sheegay in aan lala socodsiin go'aanka Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar uu ku kala diray maamulkii Rungta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

1/12/2021 9:33 AM EST
Talaado, Janaayo, 12, 2021 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka qaaday saanbaagyada carrada laga buuxiyo oo ay isticmaalaan ciidamada AMISOM xarunta CID ee KM4 oo ciriiri badan ay ku qabeen gaadiidka dadweynaha.

1/12/2021 7:58 AM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Golaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beesha caalamka u gudbiyay qoraal ay walaac ay kaga muujinayaan cawaaqib xumo ay sheegeen in ay ka dhalan karto habka ay dowladda federalka ku wado nidaamka doorashooyinka dalka.

1/12/2021 4:58 AM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay ciidamo hubeysan oo muqaalkooda lagu baahiyay baraha Bulshada kuwaas oo la sheegayay in loo diyaariyay ka hortaga doorasho aan wada ogol aheyn oo ka dhacda Dalka.

1/12/2021 4:38 AM EST
Talaado Janaayo, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa isaga oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC da sheegay in dalka aysan ka dhici doonin doorasho hal dhinac ah.

1/12/2021 3:53 AM EST
Talaado, Janaayo, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo kaddib kulan uu uga qeybgalay magaalada Muqdisho.

1/12/2021 2:43 AM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Sarkaal katirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdulfatah Abu bakar Abdi oo loo yaqaano Mousa al Muhajir oo ay wehliyaan 20 kamid ah dagaalyahanadiisa, ayaa wararku sheegayaan inuu ku biirayo ISIS.

1/12/2021 2:40 AM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka Uganda xilli walaac laga muujinayo suurtagalnimada in la helo doorashooyin baarlamaan iyo madaxtinimo oo xor iyo xalaal ah dabayaaqada toddobaadkan.

1/12/2021 1:04 AM EST
Talaado Janaayo,12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga soo horjeestay doorashada xildhibaannada Soomaaliland ku matala dowladda dhexe oo lagu waddo in doorashadoodu ku dhacdo gobolka Banaadir.

1/12/2021 12:20 AM EST
Talaado, Janaayo, 12 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo Kenyaan ah oo marayay deegaanka lagu magacaabo Husungoow.