3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 23, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida Ugaas Xassan

 

Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa ka tacsiyeey geeridii ku timid alle ha u naxariistee Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa ehelka iyo qaraabadiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedba uga tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee Ugaaka oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka ugu waaweyn Soomaaliya.

“Waxaan qoyskiisa,Asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka & ummaddana sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Waxaa sidoo kale geerida Ugaaska tacsiyeeyay inta badan hoggaamiayaasha Soomaalida ku tilmaamay in uu ahaa geesi hal adag oo aan runta ka gabban, waxaana ay alle uga baryeen in uu jannadii ka waraabiyo.

Ugaaska ayaa rumeysan yahay in uu u geeriyooday Cudurka Covid 19 toddobadyadii ugu danbeeyay galaaftay nolasha dad badan oo magac iyo maamuus ku dhax lahaa bulshada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  


















Click here
2/23/2021 5:02 PM EST
Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe iyo ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar ayaa labadaba ka tacsiyeeyay geeridii ku timid caawa alle ha u naxariistee Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

2/23/2021 4:25 PM EST
Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo caawa uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

2/23/2021 2:14 PM EST
Talaado, Febraayo, 23, 2021 (HOL)- Hood Gareys oo u jawaabtay afhayeenka booliska, ayaa ku eedaysay in uu kabeen abuuray siday wax u dhaceen, isla markaana xataa wakhtiga ay dhacdadu dhacday uu ka been sheegay.

2/23/2021 1:55 PM EST
Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u naxariisteen Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ahaa Ugaaska Beesha Xawaadle.

2/23/2021 12:09 PM EST
Talaado, Febraayo, 23, 2021 (HOL)- warsaxafadeed uu soo saaray ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa hayadaha cadaalada ee Somaliland ugu baaqay in ay baadhaan, arinka saxafiyad Hoodo Garays iyo Booliska Somaliland.

2/23/2021 10:21 AM EST
Talaado, Febraayo, 23, 2021 (HOL)- Wasiir kii hore ee qorshaynta Somaliland Cawale Ibrahim Shirwac, ayaa madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ku eedeyay, in uu faragalin ku hayo xulista xildhibaanada deegaanka ay labadooduba kasoo jeedan.

2/23/2021 8:14 AM EST
Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Wakiillo ka socday Saaxiibbada Soomaaliya oo uu hoggaaminayay danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa booqday magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula kulmeen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

2/23/2021 7:46 AM EST
Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Soomaaliya, Xasan Xundubay Jimcaale, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mowqif cad ka qaadatay in aan la qaban karin wax isku imaatin ah, si looga baaqsado faafitaanka cudurka Covid-19 oo marxaladiisu ay isisoo tarayso.

2/23/2021 7:25 AM EST
Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL)- Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa laga helay cudurka Covid-19 xilli uu ku sugan yahay dalka Burundi, halkaas oo uu kaga qeyb gali lahaa shir uu ku matalayay dowladda Soomaaliya.

2/23/2021 4:40 AM EST
Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya degmada Xamar weyn ayaa sheegaya in qof isku soo xiray walxaha qarxa oo ay ciidamadu ku war heleen uu ku tuuray meel aan ka fogeyn saldhig degmada Xamar weyne jaakadii qaraxa ee uu xirnaa,

2/23/2021 1:25 AM EST
Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafintan Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in wixii ka dhacay 19kii bishan Febraayo magaalada Muqdisho ahaayeen isku day afganbi.

2/23/2021 12:42 AM EST
Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL)-Jubbaland ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda ku aadan ka qeybgalka shirka ay ku baaqday madaxtooyada Soomaaliya ee lagu waddo in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

2/23/2021 12:29 AM EST
Talaado, Feberaayo, 23, 2021 (HOL) - Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa ku boorriyay Isniintii Dowladda Soomaaliya iyo dhinacyada kale oo ay quseyso in si dhakhse ah leysugu raaco taariikhda doorashada, iyagoo ka digay dib u dhac kale oo doorasho.