4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2021
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo weerar afka ah ku qaaday madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle
 

Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharax madaxweyne Cabdiramaan Cabdishakuur ayaa qoraal dheer uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaalada dalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inaan xiligaan dalka looga baahnen kaligii talisnimo oo natiijadeeda noqon karto dagaalo sokeeye,waxuuna sheegay iney waajib Dastuuri ah aay gudanayaan maamul goboleedyada diidan in dalka uu dib ugu noqdo dagaalo sokeeye.

Waxuu sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay ineysan habooneyn in lala kulmo madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle ilaa inta aay ka cadeynayaan mowqifkooda ku aadan weerarkii lagu qaaday Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

"Ma habbooneyn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan caddeyn mowqif ay ka taagan yihiin weerarradii waxashinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deegaannadooda metelaan. Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana cammiro shirka Farmaajo, Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa" ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa imaanaya xili xalay magaalada muqdisho aay siyaabo kala duwan ugu kala kulmeen Xasan Cali Kheyre, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo labada madaxweyne ee maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]