3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2021
Ciidamada dowladda oo xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho

 

Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa xirray dhamaanba Isgoysyada iyo Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho  iyadoo loo diiddayo isticmaalka dadka iyo gaadiidka.

Xirnaashiyaha jidadkan ayaa imanaya dhinaca kale xili maanta oo Jimcaha loo madlan-yahay dibadbaxii ay ku baaqeen Midowga Musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ku adkeysanaya in mudaaraadkaasi uu dhacayo dadkana ugu baaqay in ay isugu yimaadaan taalada Daljirka Dahsoon.

Iska horimaad culus oo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogag u daacad ah musharixiinta mucaaraadka oo xalay ka dhacay agagaarka Daljirka ayaa uga sii darray xaalada iyadoo arintan ay cabsi weyn ku abuurtay shacabka reer Muqdisho oo wali qaba baqdin la xiriirta hubanti la'aan nabaddeed iyo falcelinta ka dhalan karta haddii ay isku soo baxaan taageerayaasha mucaaraadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in aan la ogoleyn isku imaantin kasta oo dadweyne sababo la xiriira ka hortaga faafintaan ka cudurka Covid 19 oo siweyn uga dhax jira bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa wali isha ku haya sida ay saacadaha soo socda wax isku badali doonaan madaama ciidamada dowladdu isku dayayaan in ay joojiyaan dhaqdhaqaaqa dadka ee caasimada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
















Click here
2/19/2021 2:48 PM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) -Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saaray Iska horimaadyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo taageerayaasha musharixiinta mucaaraadka.

2/19/2021 11:51 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay rabshadihi ka dhacay Muqdisho oo abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka.

2/19/2021 7:55 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

2/19/2021 7:28 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Siyaasiga caanka ah ahna hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa goordhaw si kulul uga gadlay rasaas aay ku fureen ciidanka dowladda dad banaanbaxayaal ah aay hoggaaminayeen qaar ka mid ah midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

2/19/2021 5:45 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacayay xalay iyo saakay oo jimco ah.

2/19/2021 4:04 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) -Waxaa la arkayay Uuro iyo qiic madow oo hawadda isku shareeray kaddib markii madaafiic lagu tuuray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

2/19/2021 3:56 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo musharixiin kale oo dhowr ah ay ka badbaadeen sida uu hadalka u dhiggay isku day dil oo la doonayay in lagu khaarajiyo.

2/19/2021 2:52 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal ay horkacayeen Ra'iisal Wasaarihii hore ee dalka Xassan Cali Kheyre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xili ay ku dhawaayeen Isgoyska KM4.

2/19/2021 2:08 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Kaddib markii ciidamada dowladda is hortaag ku sameeyeen dibadbax balaaran oo qorshuhu ahaa taageerayaasha mucaaradka in ay isugu soo baxaan taalada Daljirka Dahsoon, ayaa dhinaca kale waxaa uu dibadbax kooban xiliggan ka soconayaa waddada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

2/19/2021 12:04 AM EST
Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war kooban ka soo saartay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeysay dhinaca mucaaradka in ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.