4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2021
Somaliland: Guddoomiyaha baanka dhexe oo ka hadlay lacag been abuura oo suuqyada Somaliland soo gashay
 

Khamiis, Febraayo, 18, 2021 (HOL)- Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Jaamac Ibrahim (Baqdaadi) ayaa sheegay in isticmaalka lacagta 50 ka dollar laga joojiyay suuqyada Somaliland, kadib markii la’ogaaday in lacag badan oo been abuur ahi soo gashay suuqyada.

Guddoomiye Baqdaadi ayaa ka warbixiyay, calaamadaha lagu garan karo lacagta been abuur ka ah.

“Waxa lagu garanayaa 12 calamadood, oo ay kaga duwantahay lacagta caadiga ah, imika wuxun baan sii xusayaa 3 calamadood, noodhka foojariga ahi wuxuu soo baxay 2013, lacag badan ayaa sanadkaa soo baxday, lacagta sanadkaa soo baxdayna wada been abuur maaha, lakiin lacagta foojari ga ah oo dhami waxay soo baxday sanadkaa, waxa kale oo uu kaga duwanyahay lacagta caadiga ah, lambar kiisu waxa uu kawada bilaabmaa 427, astaanta kale ee muuqataa waxa weeyaan, B2 ayaa ku qoran”. Ayuu yidhi gudoomiye Baqdaadi.

Sidookale guddoomiyaha ayaa ka hadlay xaga ay lacagtani Somaliland kasoo gashay.

“lacagtani halkay ka timid, waxa lasheegaya, oo ilo xogogaalihi noo sheegayaan in ay Xamar ay ku soo horaysay, kolay doorashooyinkaa iyo waxaa ka socda, ayaa laga yaaba in ay la xidhiidho, dabeetana waxay soo martay dalka Itoobiya gudihiisa, markii danbena wajaale ayay soo gaadhay, wajalena way soo dhaaftay oo Hargaysa ayay soo gaadhay, lakiin ilaa 20 cisho ayay suuqa ku jirtay”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in anay qaadan lacagta 50 ka dollar ah, ilaa inta sifiican loo kala saarayo, lacagta been abuur ka ah iyo ta caadiga ah.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]