4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2021
Faysal Cali Waraabe “Madaxweynaha faragalinta jooji baanu leenahay”
 

Arbaco, Febraayo, 17, 2021 (HOL)- guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID ayaa madaxweyana Somaliland ku eedeeyay in uu faragalin ku hayo, hab sami u socodka doorashada, isagoona ugu baaqay in uu soo daayo, musharixiin ay dowladu ka xidhay xisbigiisa.

Faysal oo ka hadlayay xaflad uu xisbigiisu lahaa, ayaa sheegay in diwaan galintii doorashadu ay sifiican u qabsoontay laakin uu ka cabsanayo in dhibaato hor lihi ka timaado xadhig lagula kacay musharixiin xisbigiisa ka tirsan.

“Waxa inoo dhacday diiwaangalin wanaagsan, oo  sifiican u dhacday, oo dadku sifiican isku soo abaabuleen, laakin laba wax baa nagu soo baxay oo , laba musharaxna waa nalaga xidhay, wax allale wax ay gaysteena anay jirin, musharax kalena xeer ilaaliyihii baa u diiday warqadii danbi la’aanta, labada arimood waxay tusayaan in aynu la kulmi doono dhibaato Alle haynaga hayee”. Ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Sidookale guddomiyaha ayaa madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in uu faragalin ku hayo habsami u socodka doorashada, isla markaana ugu baaqay madaxwaynaha in uu soo daayo musharixiinta xidhan.

“Doorashooyinka madaxwayne yaashu ma soo faragalin jirin, anaguna hadii dadka aan isku dhawnahay meel tagaan, manaan faragalin jirin, hada waxa muuqata faragalin fool xun oo dalkeenana foolxumo wayn yeelaysa, madaxwynahana foolxumo wayn yeelaysa, madaxwaynaha waxan leeyahay hala soo daayo musharixiintaa, dadkan aad amarka siinayso ee aad leedahay ha siinina warqada dambi la’aanta, jooji”. Ayuu hadal kiisa sii raaciyay guddoomiyuhu.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]