3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2021
Dowladda Soomaaliya oo hakisay isku imaatinada goobaha shaqada
 

Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa hakisay isku imaatinka shaqaalaha iyo xaadirintooda si looga fogaado faafidda Covid-19.

Wasaaradda ayaa amartay in shaqaalaha badankooda ay kusoo shaqeeyaan guryahooda iyagoo adeegsanaya aalada internetka, waxayna sheegtay in agaasimayaasha kaliya looga baahan yahay in ay xarumaha shaqada yimaadaan.

Go’aankaan ayaa soo baxay kadib markii wasaaradda caafimaadku ay sheegtay in uu soo labo kacleeyay cudurka Covid-19, loona baahan yahay tallaabo taxadar leh.

Ugu yaraan 9 qof ayaa shalay oo kaliya Muqdisho ugu geeriyooday cudurka covid-19, waxaana sidoo kale la diiwaan galiyay 100 xaaladdood oo cusub.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in la yareeyo isku imaatinimada bulshada, xilli ay mucaaradku qorshaynayaan in jimcaha ay dhigaan mudaharaad ballaaran oo dowladda loogasoo horjeedo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/17/2021 4:27 PM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo oo ka duulaya talooyinkii ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo, ayaa shir iskugu yeeray Dowlad Goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir.

2/17/2021 1:13 PM EST
Arbaco, Febraayo, 17, 2021 (HOL)- guddoomiyaha xisbiga mucaarad ka ah ee UCID ayaa madaxwayana Somaliland ku eedeeyay in uu faragalin ku hayo, hab sami u socodka doorashada, isagoona ugu baaqay in uu soo daayo, musharixiin ay dawladu ka xidhay xisbigiisa.

2/17/2021 11:19 AM EST
Arbaco, Febraayo, 17, 2021 (HOL)- Wasaarada waxbarashada ee Somaliland ayaa maanta deeq waxbarasho siisay, Ayaan Yusuf Maxamed oo ah gabadh da’a yar oo gabadh ay qaraabo ahayeen oo ay ushaqaynaysay ka duubtay muuqaal iyada oo u hanjabaysa isla markaana ay muuqaalkii baraha bulshada ku baahisay, taasi oo sababtay in ay dadwaynuhu ka cadhoodaan.

2/17/2021 10:41 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran.

2/17/2021 10:12 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Shir jaraa'id oo ay wadajir magaalada Muqdisho uga qateen qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirradda Xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada ayeey uga diggeen Shacabka Soomaaliyeed isku soo baxyada iyo isku -imaantinka dadweyne sababo la xiriira saameynta adag uu dalka ku yeeshay cudurka Covid 19.

2/17/2021 7:39 AM EST
Arbaca, Febraayo, 17, 2021 (HOL)- Pro: Ismaaciil Hurre Buubaa oo katirsan xisbiga mucaarad ka Somaliland ee Wadani, ayaa midawga musharixiinta ee Soomaaliya usoo jeediyay, in ay wadanka fawdada ka daayaan, waa sida uu hadalkiisa u dhigaye, isagoona sheegay in anay suuragal ahayn in Farmaajo xilka laga qaado iyadoo aan madaxwaynihi badali lahaa la dooran.

2/17/2021 7:20 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Pan-African oo ah koox u dhaqdhaqaaqda arrimaha qowmiyadaha Afrika, ayaa warqad ay u qoreen Xoghayaha Guud, ee Qaramada Midoobay António Guterres, waxay kaga dalbadeen in dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya dib loogu dhigo.

2/17/2021 5:31 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL)-Cabdiqaadir Maxamed Xasan [Awalad Yare] oo ahaa sawir qaade iyo muuqaal duube siweyn looga garanayay magaalada Muqdisho ayaa lagu waramayaa in koox hubeysan ku dhax dileen gudaha Studio uu ku lahaa degmada Howl-wadaag.

2/17/2021 2:48 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Aasiya Cali Aadan oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ku dhalatay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay dhibaatada ay kala kulantay safarka halista badan ee tahriibka, kadib markii Soomaaliya uga carartay xaalad nabad-gelyo xumo darteed.

2/17/2021 2:20 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa beeniyay in wax heshiis ah laga gaaray hannaanka loo marayo doorashada xildhibaanada kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland).

2/17/2021 1:24 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - War saxaafadeed ay soo saareen Gudida Doorashooyinka dalka Itoobiya ayay kaga hadleen xaaladda uu ku sugan yahay Ururka ONLF.

2/17/2021 12:23 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Waxaa habeennimadii xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday alle ha u naxariisteen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliyeed muddo dheerna ka soo shaqeynayay dacwadda Islaamka.

2/17/2021 12:10 AM EST
Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Magaalada Baydbabo ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay ku soo dhamaaday shir saddexdii cisho ee la soo dhaafay ay halkaa ku lahaa ku lahaayeen Guddi farsamo oo ka kala socday DF Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.