3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 6 , 2021
Dib u dhac ku yimid shirkii ay maanta u balansanaayeen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada
 

Talaado, April,, 06, 2021 (HOL) - Shirkii wadatashiga ee loo balansanaa maanta inuu dhexmaro dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta dib  dhac ku yimid kadib markii madaxweynaha Galmudug uu shalay u safray magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweyne Qoorqoor  ayaa Dhuusomareeb u tagay si uu ilaaliyo dastuurka Galmudug oo sheegaya in madaxweynuhu muddo ka badan 45 cishe uusan ka maqnaan karin Galmudug.

Madaxda kale ayaa isku raacay in shirka berrito dib loogu dhigo.

Madaxda weli ma aysan soo bandhigin illaa iyo hadda wax lagu heshiiyay ama la isku afgartay oo ku saabsan waxyaalihii laga wada hadlayay ee arrimaha doorashada ku saabsanaa.

Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay wada xaajoodka u socda hoggaamiyayasha siyaasada waxayna ku boorriyeen in ay sii joogaan Muqdisho illaa iyo inta xal laga gaarayo caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
4/6/2021 2:21 PM EST
Talaado, April,, 06, 2021 (HOL) - Waxaa magaalada Jigjiga lagu qabtay xuska maalinta xad gudubka maxaabiistii Jeel-ogadeen oo ay soo diyaariyeen Ururka Dhibanayaasha Jeel Ogaden, kuwaas oo dhibaato iyo tacaddi kasoo gaaray mudadii ay ku jireen Jeelkii albaabada loolaabay ee Jeel Ogaden.

4/6/2021 1:56 PM EST
Talaado, April,, 06, 2021 (HOL) - Beesha Caalamka oo garwadeen ka ah kulamada xiriirka ah ee toddobadyadii ugu danbeeyayba u socday hoggaamiyayaasha Soomaalida ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay u rajeeyeen shirarkooda isfaham iyo Guul

4/6/2021 11:41 AM EST
Talaado, April, 6, 2021 (HOL) - kulan dhexmaray Xukuumada Somaliland iyo ganacsatada, ayaa lagu qorsheeyay, sidi loosoo ibin laha tallaal caabuqa Covid-19 lagaga tallalo 300 oo kun oo qof.

4/6/2021 10:12 AM EST
Talaado, April, 6, 2021 (HOL) - Kulan madaxtooyada Somaliland ku dhexmaray wasiirka cadaalada ee Zambia Gavin Labinda iyo madaxwaynaha Somaliland, ayaa lagaga wada hadlay xidhiidh ganacsi oo dhexmari doona Somaliland iyo Zambia.

4/6/2021 9:46 AM EST
Talaado, April,, 06, 2021 (HOL) - Taliska sirdoonka iyo nabad sugida gobalka Banaadir ee NISA ayaa sheegay in ay heleen xog sheegaysa in ay dhinteen labo sarkaal oo u qaabilsanaa Al-Shabaab Gobolka Banaadir gaar ahaan qaybta Qaraxyada Miinooyinka.

4/6/2021 9:26 AM EST
Talaado, April,, 06, 2021 (HOL) - Dawladda Soomaaliya ayaa markii u horreysay gudbisay toddobo heshiis oo calami ah, kuwaaso ku aaddan xaquuqda Shaqaalaha.

4/6/2021 9:10 AM EST
Talaado, April,, 06, 2021 (HOL) - Dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa ka socda Gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaana lagasoo sheegayaa khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

4/6/2021 6:51 AM EST
Talaado, April, 06, 2021 (HOL)-Villa Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay wararka sheegay in shirka teendhada Afsiyooni qarka u saaran yahay in uu burburo.

4/6/2021 1:10 AM EST
Talaado, April,, 06, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxmed Xusseen Rooble ayaa ku booqday isbitaalka xoogga qaar ka mid ah askartii uu dhaawaca ka soo gaaray weerarkii cuslaa ee Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada ee Bariirre iyo Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose.