3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 4 , 2021
Qaramada Midoobay oo cambaaraysay weeraradii Alshabaab ku qaadeen Bariire iyo Awdheegle
 

Axad, April, 04, 2021 (HOL) - Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weeraradii shalay lagu qaaday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

James Swan ayaa ammaanay ciidamada Soomaaliya oo uu sheegay in ay si cad u xasuusinayaan sida ay maalin kaste u sameynayaan naf hurnimada ay ku badbaadinayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan lagu bartilmaameedsaday ciidamada Soomaaliya. Tani waa mid si cad inoo xusuusinaysa naf-hurnimada maalin kasta ay sameyaan askarta Soomaaliyeed ee sida geesiminada leh u dagaallama si ay u badbaadiyaan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yiri James Swan.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay askartii ku geeriyooday weerarka ka dhacay Bariire iyo Awdheegle, isagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarada, waxaana lagu soo waramayaa in qasaaro lixaad leh uu ka soo gaaray iska caabinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
4/4/2021 8:30 AM EST
Axad, April, 04, 2021 (HOL) -Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada dalka Eritrea bilaabeen in ay isaga baxaan gobolka Tigrayga kuwaa oo ka bar bar dagaalamayay ciidamada Itoobiya ee dagaalka la galay xoogagga TPF ee lagala wareegay gobolka.

4/4/2021 8:25 AM EST
Axad, April, 4, 2021 (HOL) - DR. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa shir jaraa’id oo uu maanta Hargaysa ku qabtay ku shaaciyay in uu ka fadhiistay dhakhtarnimadi iyo siyaasadiba.

4/4/2021 6:52 AM EST
Axad, April, 04, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegey gacan ku heynta Deegaanada koonfureed ee Dhuusamareeb sida Sinadhaqo iyo labi-dulle oo saldhig u ahaa kooxda Alshabaab.

4/4/2021 6:45 AM EST
Axad, April, 04, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw markale dib u bilaawday shirka u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maalintii shalay ahayd uga furmay Xarunta Afisyooni.

4/4/2021 2:38 AM EST
Axad, April, 04, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliyaa ayaa si adag uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqaayad lagu shaah cabo oo ku taala degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

4/4/2021 12:42 AM EST
Axad, April, 04, 2021 (HOL) War Qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in ay siweyn uga murugeysan yihiin weerarradii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay iyo weerarkii Al-shabaab ay ka geysteen gobolka Shabeellaha Hoose.