4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 4 , 2021
Ciidanka dowladda oo la wareegay deegaano kuyaala koonfurta Dhuusoomareeb oo Alshabaab ku sugnaayeen
 

Axad, April, 04, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegey gacan ku heynta Deegaanada koonfureed ee Dhuusamareeb sida Sinadhaqo iyo labi-dulle oo saldhig u ahaa kooxda Alshabaab.

Deegaanadan ay dowladdu la wareegtay ayaa la sheegay in Alshabaab ka soo abaabuli jireen weerarada ay ka geystaan jidka isku xira Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Ciidanka dowladda ayaa sidoo kale sheegay in ay la wareegeen saanad Ciidan, kadib markii dagaallo culus oo khasaaro adag lagu gaarsiiyay Alshabaab uu halkaas ka dhacay.

Taliyaha Guutada 15-aad, Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Gen: Mascuud Maxamed Warsame oo ka mid ah Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalkan ayaa tilmaamey in Ciidamadu ay wali kusii raad joogaan Alshabaab.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Alshabaab aan looga hari doonin goobaha ay u firxadeen islamarkaana uu howgalku sii socondoono.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online