3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 4 , 2021
Turkiga oo war ka soo saaray Qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo weerarkii Shabeellaha Hoose

 

Axad, April, 04, 2021 (HOL) War Qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in ay siweyn uga murugeysan yihiin weerarradii ugu danbeeyay ee ka dhacay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay iyo weerarkii Al-shabaab ay ka geysteen gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu yiri'' Waxaa ka xunnahay aan maqalno warka ku saabsan in askar iyo dad badan oo rayid ah ay naftooda ku waayeen Soomaaliya maanta (3da Abriil) weeraradii argagixiso ee lala beegsaday ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.”

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan foosha xun ee argagaxiso, waxaana si kal iyo laab ah ugu tacsiyeynaynaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay Soomaaliyeed. Waxaan Allaah uga rajeynaynaa naxariistiisa kuwii ku nafwaayay weeraradaasi si deg deg ahna u bogsiiyo dhaawacyada kale.”

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu qaaday maqaaxi ku taala magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku nafwaayay Lix ruux oo intooda badan ahaa dhalinyarro goobta ku caweynayay.

Qoraalka Dowladda Turkiga '

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
 

 
















Click here
4/4/2021 11:16 AM EST
Axad, April, 04, 2021 (HOL) - Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weeraradii shalay lagu qaaday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

4/4/2021 8:30 AM EST
Axad, April, 04, 2021 (HOL) -Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada dalka Eritrea bilaabeen in ay isaga baxaan gobolka Tigrayga kuwaa oo ka bar bar dagaalamayay ciidamada Itoobiya ee dagaalka la galay xoogagga TPF ee lagala wareegay gobolka.

4/4/2021 8:25 AM EST
Axad, April, 4, 2021 (HOL) - DR. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa shir jaraa’id oo uu maanta Hargaysa ku qabtay ku shaaciyay in uu ka fadhiistay dhakhtarnimadi iyo siyaasadiba.

4/4/2021 6:52 AM EST
Axad, April, 04, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegey gacan ku heynta Deegaanada koonfureed ee Dhuusamareeb sida Sinadhaqo iyo labi-dulle oo saldhig u ahaa kooxda Alshabaab.

4/4/2021 6:45 AM EST
Axad, April, 04, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw markale dib u bilaawday shirka u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maalintii shalay ahayd uga furmay Xarunta Afisyooni.

4/4/2021 2:38 AM EST
Axad, April, 04, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliyaa ayaa si adag uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqaayad lagu shaah cabo oo ku taala degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.