3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 30, 2021
Hargaysa: Ciidamada dab-damiska oo warbixin kasoo saray khasaaraha uu roobkii galabtu gaystay
 

Jimco, April, 30, 2021 (HOL) - Warbixin ay soo saareen ciidamada dab-damiska Hargaysa, ayaa lagu sheegay in 12 baabuur uu daad ku qaday, 172 qof iyo 3 gaadhi na la bad baadiyay isla markaana uu khasaare soo gaadhay 18 guri.

Warbixinta ciidamda dab-damiska, ayaa lagu sheegay in ciidamada dab-damisku ay galeen hawlgalo bad baadin ah kadib markii uu roob laxaad lihi ka da’ay magaalada Hargaysa.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay daad ka ka bad-baadiyeen 172 qof, isla markaana 3 gaadhi laga soo bad-baadiyay iyagoo biyaha dooxu sitaan,

Waxa kale oo lagu sheegay in 12 gaadhi ay biyuhu la tageen, halka ay 18 buul iyo 1 jiingadna ay biyuhu wax yeeleyeen.

Sidookale warbixinta ayaa lagu xusay in ay ciidanku u gurmadeen 49 guri oo biyuhu galeen.

Ciidanka dab damiska ayaa sheegay in anay jirin cid ku dhaawacantay ama ku nafwayday daadka.

Kadib roobab waa wayn oo galabta ka da’ay magaalada Hargaysa, ayaa la arkayay baabuur noocyo kala duwan leh oo biyaha dul sabaynaya.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected] 












Click here
4/30/2021 4:49 PM EST
Jimco, April. 30, 2021 (HOL) - Puntland ayaa ku amartay inuu Garowe ka baxo weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo arrimo samafal ah ka waday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

4/30/2021 3:57 PM EST
Jimco, April. 30, 2021 (HOL)-Iyadoo maalinta berri ah kulan aan caadi aheyn ay isugu imaanayaan xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhinaca kale qoraal ka soo baxay midowga Mushariixiinta ayaa looga digay xildhibaannadda in ay qaataan go'aanno lagu dibindaabinayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka

4/30/2021 3:19 PM EST
Jimco, April, 30, 2021 (HOL) - Dooxa Hargaysa, ayaa qaaday baabuur u badan nooca Vitz ta loo yaqaano kadib markii uu roob laxaad lihi galabata ka da’ay Hargaysa iyo nawaaxigeeda.

4/30/2021 1:08 PM EST
Jimco, April, 30, 2021 (HOL) - Wufuud u badan madax-dhaqameed, Cuqaal iyo waxgarad ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood ka dib markii ay mudo laba todobaad ah ay ku sugnaayeen halka lagu magcaabo dhanar-dalool oo ka tirsan degmada Xuddun ee gobolka Sool.

4/30/2021 11:07 AM EST
Jimco, April, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka deegaanka ee Somaliland Shukri X. Ismaaciil Boondare, ayaa sheegtay in ay la wareegayaan libaaxyada Cali Waran Cadde, isla markaana gaynayaan beerta xayawaanka lagu xanaaneeyo.

4/30/2021 6:45 AM EST
Jimco April, 30, 2021 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in toddobaadka danbe dowladda Qatar Ergay gaar ah u soo direyso Soomaaliya, kaa oo ku magacaaban La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Khilaafyada.

4/30/2021 2:45 AM EST
Jimco, April, 30, 2021 (HOL) - Ciidamada booliska Somaliland, ayaa saakay toogtay libaaxi xalay ka baxsaday Beerta Libaaxyada ee Hargaysa, kaasi oo gabadh Itoobiyaan ah dhawac wayn u gaystay.

4/30/2021 2:13 AM EST
Jimco, April, 30, 2021 (HOL) - Siiyaasi Cali Waran Cadde, oo isagu leh libaaxyada xalay ku dhex baxsaday Hargaysa, ayaa sheegay in la qabtay midkamida labadii libaax ee baxsaday halka ka kalena wali uu baxsad yahay.

4/30/2021 1:41 AM EST
Jimco, April. 30, 2021 (HOL) - Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda beesha Xawaadle oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare iyo Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire in sifo aan sharci aheyn ay ku xirteen Maxamed Xaanshi Muumin oo ka mid ah ganacsatada gobolka Mudug.