4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 3 , 2021
Shirka Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Gobolleedyada oo maanta furmaya

 

Sabti, April, 03, 2021 (HOL) - Madaxeynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisal Wasaare Rooble madaxweynaha dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa gaaray teendhada Afisiyooni oo lagu waddo in uu ka furmo shirka madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada.

Waxaa la sugayaa oo  aan wali taggin goobta shirka saddexda madaxweyne Dowlad Gobolleed, Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka maanta ayaa noqonaya mid hor dhac u ah shirweyne looga hadlayo arrimaha doorashada, sidoo kale waxaa looga hadli doonaa shirka maanta ajandaha shirweynaha doorashada heer Qaran oo aan wali leysku waafaqin.

Sugida Amniga goobta uu shirku ka dhacayo oo sidoo kale qabad weyn aheyd ayeey hadda u muuqtaa in laga heshiiyay, waxaana kaalinta ugu weyn qaadanaya ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]