3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 28, 2021
Booliiska Somaliland oo ka hadlay xadhiga musharixiinta mucaaradka
 

Arbaco, April, 28, 2021 (HOL) - Ciidamada booliiska Somaliland, ayaa sheegay in ay musharixiinta xidhan iyo qaar kale oo ay kudaba jiraanba ay ku hayaan faldanbiyeedyo ah in ay samaysteen shahaadooyin foojari ah.

Warbixin lagu dabacay boga Facebook ee ciidanka booliiska, ayaa lagu sheegay in musharixiinta xidhan iyo kuwo kale oo ay kuba jiraanba ay samaysteen shahaadooyiin been abuur ah si ay isku sharaxan.

Booliiska ayaa sheegay in ay caddaymo kufilan u hayaan in musharixiintaasi ay ku kaceen danbi foojari ah.

Warbixinta booliiska ayaa lagu yidhi “baadhis dheer kadib waxay ay boolisku xeer ilaalinta iyo maxkamadaha dalka horgeeyeen caddaymo ku filan  danbiyadaasi”.

Booliiska ayaa sheegay in ay sifo sharci ah ku soo qabteen musharax Qaasim Aadan Saleebaan oo xisbiga Waddani ka sharaxan, isla markaana ay waaran qabasho u hayaan laba musharax oo kale.

Booliiska Somaliland, ayaa maalmihii lasoo dhaafay xabsiga dhigay musharixiin katirsan xisbiyada mucaaradka taasi oo ay xisbiyada mucaaradku ka biyo diideen.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan online
[email protected] 












Click here
4/28/2021 12:22 PM EST
Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Barlamaanka Soomaaliya ayaa beeniyay warar la faafiyay oo sheegaya in barlamaanku mooshin ka wado raysal Wasaare Rooble, si xilka looga tuuro.

4/28/2021 10:36 AM EST
Arbaco, April, 28, 2021 (HOL) - Xogeeyaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in sifo sharci darro ah lagu xidhay musharax Qaasim Aadan Saleeban oo ka sharaxan xisbiga Waddani.

4/28/2021 10:32 AM EST
Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Waxaa maanta laga qaaday magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ciidamo ka tirsanaa Haramcad oo ku sugnaa Baledweyne shantii bilood ee lasoo dhaafay kuwaas oo diyaarad ka qaaday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

4/28/2021 8:56 AM EST
Arbaco, April, 27, 2021 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa ugu baaqay dadkii dhawaan ka barakacay dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

4/28/2021 8:53 AM EST
Arbaco, April, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu ka xunyahay dhibaatada ka dhacday Muqdisho, isla markaana ay madaxda Soomaaliya dhibka mid lamid ah 30 sano ku hayeen Somaliland.

4/28/2021 8:40 AM EST
Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in aysan ka qeyb galidoonin shir uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo oo looga arrinsandoono arrimaha doorashada, iyadoo laga ambaqaadayo heshiiskii 17 september.

4/28/2021 7:44 AM EST
Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay xaafado badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho kaasoo saakay waabarigii hore ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee ku taala Ex Koontarool Afgooye.

4/28/2021 7:28 AM EST
Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in qiyaastii 60,000 ilaa 100,000 qof lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda magaalada Muqdisho ka dib markii ay rabshado ka qarxeen 25kii Abriil.

4/28/2021 3:01 AM EST
Arbaco, April, 28, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka iyo ciidanka reer Muqdisho ku hambalyeeyay kacdoonka ay kaga soo horjeedeen muddo korodhsiga dowlada madaxweyne Farmaajo.

4/28/2021 2:51 AM EST
Arbaco, April, 28, 2021 (HOL) - Booliiska Somaliland, ayaa sheegay in ay xidheen askari, uu muuqaalkiisu baraha bulshada ku baahay isagoo gabadh gacan u qaadaya.

4/28/2021 1:53 AM EST
Arbaco, April 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad toos ah u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay go'aankii ay qaateen dowlad gobolleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ee ahaa in dib loogu laabto heshiiskii doorasho ee 17kii September,