4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 2 , 2021
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo fariin u diray maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug
 

Jimco, April, 02, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamulka dowlad deegaanka Soomalida Mustafe Cagjar ayaa ugu baaqay madaxda maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle iney ka qeyb qaataan ilaalinta xaduudaha aay wadagaan oo uu sheegay in habac sanaan ka jirto.

Madaxweyne Cagjar ayaa sidoo kale Galmudug iyo Hirshabeelle ugu baaqay inay ixtiraamaan heshiisyadii aay dhawaan wada galaan.

"Waxaan ka codsanayaa maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug oo aan leyahay halla ixtiramo heshiisyadi la wadda-galay xaduudahana amaankooda aan ka wada shaqeyno"ayuu yiri Cagjar

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sidoo kale ka digay in Al-shabaab iyo TPLF haraadigoodii aay dib ugu soo laabtaan deegaanada maamulka dowlad deegaanka Soomaalida iyo xaduudaha aay la wadagaan Hirshabeelle iyo Galmudug.

Hadalka Madaxweyne Cagjar ayaa imaanaya iyadoo bishii lasoo dhaafay heshiisyo nabadeed aay kala saxiixdeen maamulada Hirshabeelle, Galmudug iyo maamulkiisa, inkastoo heshiiskii dhanka Hirshabeelle iyo dowlad deegaanka wada galeen aay si weyn uga soo horjeesteen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan oo ku tilmaamay heshiiskaasi inuu ahaa kuwa laba shaqsi aay wada gaareen dana ugu jirin shacabka reer Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]