4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2021
Kooxaha Xuquuqda Aadanaha oo Ka dayriyay xiritaanka xeryaha qaxootiga Kenya
 

Khamiis, April, 01, 2021 (HOL) - Kenya ayaa ku amartay hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) inay sameyso qorshayaal lagu xirayo laba xero qaxooti oo ay ku nool yihiin in ka badan 400,000 oo qaxooti ah oo u badan Soomaali iyo Koonfurta Suudaan.

In kasta oo aysan ahayn markii ugu horreysay ee Kenya ay ku hanjabto inay xireyso xeryaha, haddana kooxaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegaya in amarkan uu khatar gelin karo nolosha qaxootiga.

Otsieno Namwaya oo ah cilmi baare sare ka tirsan Human Rights Watch, ayaa sheegay in qaxootiga ku laabanaya wadamada xasaaradaha badan sida Soomaaliya ay tahay arin khatar ah.

Hadal ay soo saartay UNHCR ayay ku sheegtay in tallaabadani ay si xun u saamayn doonto nolosha qaxootiga, gaar ahaan iyadoo kusoo beegantay xilli uu cudurka COVID-19 aad usii faafayo.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa hoos u dhac ku yimid sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo Muqdisho ay ku eedeysay Nairobi inay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha. Kenya way beenisay sheegashadaas.

Kenya waxay martigalisay qaxooti fara badan oo Soomaaliyeed tan iyo 1991, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalkuna uu galay dagaal sokeeye.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online