4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 21, 2021
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo soo jeedisay in dib looso celiyo bandowgii lagu xakamaynayay COVID-19
 

Talaado, September, 21, 2021 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka Somaaliya ayaa soo jeedisay in dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ay dib usoo celiyaan bandowgii habeenkii ee lagu xakamayay faafitaanka COVID-19.

Wasaaradda caafimaadku waxay sheegtay in aad uga walaacsan tahay xaaladda isisoo taraysa ee dib usoo laabashada COVID-19, waxayna ku talisay in si adag loo dhaqan galiyo tallaabooyinka ka hortagga cudurka.

Wasaaradda waxay sheegtay in hirkii saddexaad ee cudurka COVID-19 uu dalka soo gaaray islamarkaana loo baahan yahay in masuuliyad adag loo iska saaro sidii looga badbaadin lahaa ummadda Soomaaliyeed.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online