4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 19, 2021
Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo Shaaciyay Kursiga galabta lagu dooranaayo magaalada Jowhar
 

Axad, September, 19, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa goordhaw shaaciyay in galabta ay ka dhici doonto magaalada Jowhar mid ka mid ah kuraasta Aqalka sare xubnaha ku matalaya maamul goboleedka Hirshabeelle.

Kursiga doorashadiisa la shaaciyay in galabta ay ka dhaceyso Jowhar ayaa waxaa ku wada tartami doono sadax Musharax oo kala ah Xasan Iidow Muxumed Kobac, Cismaan Axmed Macow iyo Cabdinuur Ibraahin Nuur.

Waxaa xusid mudan in Musharaxiinta kala ah Cismaan Axmed Macow iyo Cabdinuur Ibraahin Nuur iney haatan ku sugan yihiin Jowhar, lana xaliyay tabashadoodu oo ay ka qeyb galayaan tartanka kadib shir jaraa'id ay ku qabteen Muqdisho ay ku sheegeen inay isaga soo carareen kursigii ay ku tartami lahayeen, iyagoo sheegay in kursigaasi faragalin ku hayaan madaxda Hirshabeelle.

Dhinaca kale waxaa xalay buuq iyo fowdo natiijo la'aan ah kusoo idlaaday mid ka mid ahaa doorashada kuraasta Aqalka sare kadib markii Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ay sameeyeen buuq iyo qalalaase sababay in lagu kala tago doorashadii socotay.

Warar soo baxaayay ilaa saaka oo baraha bulshada la isla dhexmaraayay ayaa sheegayay in Xildhibaanadii Xalay buuqa sameeyay aysan ka qeyb gali doonin doorashada maanta dhaceysa, inkastoo aysan jirin ilaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay guddiga doorashada iyo Madaxda Hirshabeelle oo ku aadan in Xildhibaanadaasi ay ka qeyb galayaan doorashada Caawa iyo inkale.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]