4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 17, 2021
Dowladda Jabuuti oo war deg deg ah kasoo saartay diyaaradii uu saarnaa Fahad Yaasiin
 

Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlay xanibaada diyaarad uu saaarnaa taliyahii hore ee hay'adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin iyo Rikaab kale oo fara badnaa iney dib ugu celinayaan dalka Turkiga oo markii hore ay kasoo duushay diyaarada.

War qoraal ah oo uu wasiir Maxamuud Cali Yuusuf uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in dhamaan rikaabkii saarnaa diyaarada ay dib ugu laabanayaan dalka Turkiga, islamarkaana waxuu sheegay ineysan waxba ka jirin warar lagu faafiyay baraha bulshada.

"Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta ee Muqdisho u socotay ay ku noqon doonto Istambul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda" ayuu yiri Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti ayaa imaanaya xili saacado ka hor war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu eedeysay dowlada Jabuuti iney garoonka diyaaradaha dalkaasi ku xanibtay lataliyaha dhinaca amniga madaxweyne Farmaajo.

Gabagabadii Wasiirka ayaa sheegay inay garab taagnaan doonaan Soomaaliya ayna fargelin ku sameyneyn arrimaha ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]