4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 17, 2021
Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka oo ka Shiray Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble
 

Jimco, September, 17, 2021 (HOL) - Madaxda maamul goboleedyada dalka oo xalay kulan ku yeeshay aaladda fogaan araga ee Zoom-ka, ayaa kawada hadlay xaalada cakiran ee u dhaxeysa madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ayaa ugu baaqay labada masuul iney joojiyaan warqadaha kasoo baxaya xafiisyadooda, ayna ku dhaqmaan Dastuurka dalka u yaalo si meesha uga baxdo khilaafka adag ee ragaadiyay labada masuul.

Kulanka madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ayaa waxay ku lafa gureen khilaafka sii xoogeysana ee u dhaxeeya labada masuul ee ugu sareysa dalka, waxayna kulanka kadib si wadajir ah u soo saareen War saxafadeed ka koobnaa ilaa todobo qodob.

Hoos ka akhriso War saxafadeedka ay soo saareen madaxda maamul goboleedyada dalka.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]