4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 15, 2021
ICG: Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waa in ay cunqabatayn kusoo rogaan kuwa u dhaqmaya sidii qaswadayaasha
 

Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) - Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka ee ICG, ayaa soo saartay warbixin ay walaac xooggan kaga muujinayso xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble.

Warbixinta waxay hay'addu ku sheegaysaa in madaxweyne Farmaajo iyo xulafadhiisa ay doonayaan in ay dadaal kasta ku bixiyaan sidii lagu ridi lahaa ra’iisul wasaare Rooble, arrintaas oo hay’addu ay ku tilmaamtay in ay burburinayso heshiiskii doorashada.

Kadib markii uu fashilmay dhex–dhexaadinnadii laga dhex waday Farmaajo iyo Rooble, waxay ICG saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ugu yeeraysaa inay u diyaar garoobaan inay qaadaan tillaabooyin lagaga hortagayo fashilka doorashada.

ICG waxay saaxiibada caalamiga ah ku boorisay inay farta ku fiiqaan kuwa u dhaqmaya sidii qaswadayaal, uguna hanjabaan cunaqabateyn in lagusoo rogayo haddii aysan la imaan wax is beddel ah.

“Saaxiibada caalamiga ah waa inay kusoo rogaan cunaqabateyn socdaal ama xayiraad hantiyeed, oo ka dhan ah kuwa ku adkeysanaya falalka wax u dhimaya xasilloonida Soomaaliya iyo rajada laga qabo in la gaaro doorasho degdeg ah,” ayay tiri ICG.

ICG waxay Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub ugu baaqday inay hormuud ka noqdaan arrintan, marka la eego taageerada weyn ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online