4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 8 , 2021
Jubbaland oo qeylo dhaan xooggan kasoo saartay abaaraha ka jira deegaannadeeda
 

Jimco, October, 8, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qeylo dhaan  abaareed oo xooggan soo saaray, kadib shir ka dhacay magaalada Kismaayo oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland, Saleebaan Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay xoolo dhaqato badan oo kasoo hayaamay Kenya in ay haatan ku sugan yihiin deegannada Jubbaland, taasoo keentay in ay gabaabsi noqdaan baadkii iyo biyihii la haystay.

Wasiirka warfaafinta waxaa kale oo uu sheegay, in isu-guurka xoola dhaqatada uu ka dhashay cudurro ku dhacay xoolaha, sida Lo’da oo hadda bilowday in ay u geeriyooto cudurkaas oo aan weli la aqoonsan.

Jubbaland waxay si guud baaq ugu dirtay dowladda federalka Soomaaliya iyo beesha caalamka, si gurmad degdeg ah loola soo gaaro daawaynta xoolaha kuwooda buka iyo wax ka qabashada xaaladda abaaraha.

Jubbaland waxay sidoo kale sheegtay in ay xoola dhaqatadu laftoodu halis ugu jiraan haddii xooluhu ka dhamaadaan in ay wajihi karaan xaalad adag.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online