4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2021
Somaliland: Yaa awood u leh in uu joojiyo bandhig-faneed?
 

Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Sida ku xusan Xeerka Ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgalyada Guud ee Somaliland ee xeer LR. 51/2012, qodobkiisa 23aad ma jiro wasaarad, hay'ad ama shakhsi awood u leh in uu joojiyo bandhig-faneedyada noocyadooda kala duwan, sida heesaha, filimada, riywaayadaha iyo W.L.M.

Xeerka qodob kiisa 23aad faqradiisa 1aad waxay sheegaysa in arrimaha fanka ay ka masuul noqon karaan kaliya, guddi laga kala keenay wasaaradaha dhaqanka, ciyaaraha, arrimaha gudaha, diinta, waxbarashada iyo laba qof oo dhaqan yaqaano ah oo dadwaynaha laga soo xulay.

"Wasiirka dhaqanka iyo ciyaaraha ayaa markuu la tashado wasiirka arrimaha gudaha, waxa uu magacaabayaa guddi uu fadhigeedu yahay Hargaysa, oo ka kooban saraakiisha wasaaradaha kala ah, dhaqanka iyo ciyaaraha, arrimaha gudaha, diinta, waxbarashada iyo laba qof oo dhaqan yaqaano ah oo laga soo xulay bulshada oo uu soo magacaabayo wasiirka dhaqanka iyo ciyaaruhu" ayuu dhigayaa qodobka 23aad faqradiisa 1aad.

Kadib marka la magacaabo guddida kor ku xusan, faqrada 3aad ee qodobka 23aad ayaa sheegaysa in guddidaasi awood u yeelanayso joojinta, bandhiga-faneed, daawasho filim, sababo la xidhiidha xasilloonida guud, dhaqanka iyo diinta.

Faqrada 4aad ee qodobka 23aad ayaa intaa ku daraysa in hadii guddidu ay go'aan sato in ay joojiso bandhig-faneed, ay qoraal sababaysan u dirayso dhinacyada ay khusayso iyadoo nuqulo u kala diraysa guddida nabadgalyada iyo guddoomiyayaasha gobolada.

Guddida uu xeerku waajibinayo ayaan guud ahaanba ka jirin Somaliland, isla markaana, waxa la arkaa in badan in bandhig faneedyada ay joojiyaan wasaarado ama hay'ado xukuumada ka tirsan sida wasaarada diinta iyo awqaafta oo sida xeerka ku cad aan awood buuxda u lahayn in ay joojiso ama faragaliso bandhigyada fanka.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]