10/23/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2021
Wasiir Koore "Rooble waa qofkii ugu musuq-maasuqa badnaa ee bini-aadan soo mara"
 

Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Wasiirada warfaafinta iyo arrimaha gudaha ee Somaliland, ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya Maxammed Xuseen Rooble, ku tilmaamay shakhsi musuq-maasuq badan, waxayna sheegeen in musuqiisa  dartii hay'ada ILO ee QM Somaliland looga saaray.

Wasiirka warfaafinta Saleeban Yuusuf Cali Koore ayaa Rooble ku eedeeyay in markii loo adkaysan kari waayay musuq-maasuqiisa ay xukuumada Somaliland go'aansatay in la caydhiyo hay'ada ILO oo uu madax ka ahaa.

"Ninkaa raysal wasaaraha ahi wuxuu ka shaqaysan jiray Hargaysa, wuxuu u shaqayn jiray hay'ad la yidhaa ILO, wuxuu ahaa qofka ugu musuq-maasuqa badan oo bini-aadan soo mara, Maxammed Kaahin oo wasiirka arrimaha gudaha ah ayaa Hargaysa ka caydhiyay, markii loo adkaysan waayay musuqmaasuqiisii iyo wuxuu hay'ada ku hayay, maantana dad ayuu soo horfadhiisanaya oo uu wax u sheegayaa" ayuu yidhi Koore.

Koore ayaa dadka Soomaalida ku tilmaamay qaar habaar qaba hadiiba shakhsi Rooble oo kale ah ay madax ka dhigteen, wuxuuna ku andacooday in Rooble uu jeebka ku shubtay gar gaarkii QM ugu talo gashay shacbiga taagta daran ee Somaliland.

"Waa qofka sababay in hay'ada ILO dalka laga saaro, sidii uu u samaynayay shilimadii dadka tabaalaysan ee reer Somaliland loogu soo talo galay, maantana wuxu ka hadlayaa amni, dadka Soomaalidu waa dad habaar ku dhacay, waayo kaasoo kale, ayaa masuuliyad u qabanaya oo usoo fadhiisanaya" ayuu yidhi Koore.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxammed Kaahin Axmed oo madasha Koore ka hadlayay joogay, ayaa sheegay in uu isagu Rooble iyo hay'ada uu madaxda u ahaaba Somaliland ka eryay.

"Wasiir Koore waa runtii raysal wasaaraha Soomaaliya hay'ada ILO ee shaqaalaha adduunyada ka shaqaysa ayuu madax ka ahaa oo uu joogay, saddex wasaaradood ayaa la shaqaynayay, saddexdayadii wasiirba waxaanu is ku raacnay in nin kaasi aanu ahayn masuul, qaran iyo umad u joogi kara, warqadiisiina aniga ayaa qoray" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Xukuumada Somaliland ayaa hay'ada ILO oo hoostagta QM Somaliland ka saartay 10 bishii May ee sannadkii 2019, waxayna xukuumadu ku eedaysay in hay'adu ay ku guuldaraysatay in ay la shaqayso wasaaradaha ay howl wadaagta leeyihiin, howl gudasho la'aan iyo in ay soo jawaabi wayday markii loo sheegay cabashada laga qabo.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/7/2021 1:39 PM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo gaaray ku dhawaad 100 qoys oo ka mid ah dadkii maamulka Soomaaliland kasoo masaafurisay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

10/7/2021 11:34 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Fannanada Kiin Jaamac yare oo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ay ka joojisay bandhig faneed ay Hargaysa caawa ku qaban lahayd, ayaa sheegtay in bandhigeedi uu caawa dhacayo kadib markii ay ogolaansho ka heshay xukuumada.

10/7/2021 11:19 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Sida ku xusan Xeerka Ilaalinta Anshaxa iyo Nabadgalyada Guud ee Somaliland ee xeer LR. 51/2012, qodobkiisa 23aad ma jiro wasaarad, hay'ad ama shakhsi awood u leh in uu joojiyo bandhig-faneedyada noocyadooda kala duwan, sida heesaha, filimada, riywaayadaha iyo W.L.M.

10/7/2021 11:11 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa goor dhowayd shaaciyay inuu iska casilay xilkii wasiirnimo ee amniga Galmudug, sida uu ku sheegay qoraal rasmi ah oo uu kusoo daabacay bartiisa Facbebook.

10/7/2021 8:55 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa joojisay bandhig-faneed ay fannaanada Kiin Jaamac yare caawa ku qaban lahayd magaalada Hargaysa.

10/7/2021 8:25 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Waddani Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya Maxammed Xuseen Rooble, ku eedeeyay in uu ka dhex munaafaqadaynayo bulshada Somaliland.

10/7/2021 5:42 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - 40 sano jir kamid ah dadkii lagasoo barakaciyay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa magaalada Gaalkacyo ugu geeriyooday safmarka Covid19, sida ay HOL u sheegeen ilo katirsan saraakiisha caafimaadka Puntland.

10/7/2021 4:23 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Jigjiga soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Degaanka Oromiya Shimalis Abdhisa,.

10/7/2021 3:47 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka maaliyadda maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay, in cid kaste oo ka hor timaada ama diida canshuurta ay ula yimid yihiin Alshabaab, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay xarumaha waxbarashada.

10/7/2021 1:31 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab Saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Janaalle ee gobolka Sh/hoose.

10/7/2021 1:18 AM EST
Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Al-shabaab ayaa markale toogasho ku fulisay laba ruux oo rag ah oo ay ku eedeeyeen inuu mid kamid ah ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, halka midka kalana ay sheegeen inuu faraxumeyn ku sameeyay wiil yar oo 5 sano jir ahaa.

10/6/2021 9:14 PM EST
Baaritaan ballaaran oo caalami ah oo loogu magacdaray ‘dokumentiyada Pandora’ ayaa daaha ka rogay hab dhaqanka qaar ka mid ah madaxda adduunka iyo shaqsiyaad kale oo hanti farabadan oo isku geyn qiimiho ahaan gaaraya tiriliyan dollar ku qarsaday meelo ka fog dalalkooda, meelahaas oo sharciyadda ka jiraa aanay waajib ka dhigaynin in canshuur laga bixiyo dhaqaalaha laga keenay dalal kale.