4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 7 , 2021
Madaxweynaha Oromiya oo saaka lagusoo dhaweeyay magaalada Jigjiga


Khamiis, October, 7, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Jigjiga soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Degaanka Oromiya Shimalis Abdhisa,.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jigjiga kusoo dhaweeyay madaxda degaanka u sareeysa oo uu kamid yahay Madaxweyne Mustafe cagjar, ku xigeenkiisa Ibraahim Cusmaan Faarax, iyo masuuliyiin kale.

Intaa kaddib wafdiga Madaxweynaha Oromiya oo uu weheliyo Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa u ambabaxay dhinacaa iyo magaalada Jinacsani oo kamid ah degaanka Oromiya.

Jinacsani ayaa waayadii hore ahayd magaalo katirsan dowlad degaanka Soomaalida, balse markii dambe laga dhigay degaanka Oromiya.

Booqashadan Madaxwaynaha Oromiya ee jinacsani ayaa noqonaysa tii u horeysay tan iyo intii loo doortay inuu noqdo madaxwaynaha rasmiga ah ee Oromiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]