4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 6 , 2021
Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle oo ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay magaalada Jowhar
 

Arbaco, October, 6, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe qarax ka dhacay degmadaasi ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

Qaraxa ayaa ka dhacay wadada dheer ee dhexmarta Jowhar gaar ahaan agagaarka Warshada Farjano, waxaana ku dhaawacmay Xildhibaanada lagu kala magacaabo Maxamed Cabdi Cali iyo Cabdiraxmaan Iidow Kheyre.

Dadka ku dhaqan magaalada Jowhar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay, islamar ahaantaana lala eegtay Xildhibaanada oo lugeynaayay xili ay kasoo baxeen munaasabaddii lagu xusaayay sanad guuradii 5-aad ee Hirshabeelle.

Ciidamada Hirshabeelle ayaa xalay ilaa saaka howlgallo kala duwan ka wadaan agagaarka goobta uu ka dhacay qaraxa, iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay qaraxa.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa miino ee ay xalay ku dhaawacmeen labada Xildhibaan ee ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

Qaraxaan ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli loo diyaar garoobayo in magaalada Jowhar lagu qabto doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]