4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 5 , 2021
Odayaasha Xawaadle oo ka digay qorshe lala damacsan yahay Saraakiishii Ciidamada Badbaado Hiiraan
 

Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Odayaasha Beesha Xawaadle ayay kaga digeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle in xilka qaadis iyo beegsi gaar ah ay ku sameeyaan sarakiishii Badbaado Hiiraan.

Odayaasha ayaa ku goodiyay hadii ay dhacdo in beegsi lagu sameeyo saraakiishii ciidamada Badbaado Hiiraan, waxii cawaaqib xuma ah ee ka dhasa masuuliyadeeda ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya.

"Hiiraan awalba Hirshabeelle waxba uguma darsaneen Fedaraalkana waxaan u sheegeyna ineysan ku fududaan waxa Hirshabeelle ay dooneyso sababto ah Hirshabeelle horay ayay u boobay xaqii reer Hiiraan" ayuu yiri Nabadoon Xarago.

Odayaasha ayaa sheegay iney ka war heleen qorshayaal lagu doonayo in xilalka looga qaado qaar ka mid ah saraakiishii hoggaamineysay kacdoonkii ciidamada Badbaado Hiiraan ee dhawaan hor istaagay safar si qasab ah uu Baledweyne ku imaan rabay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

"Madaxda Hirshabeelle waxaan horay uga balanay inaan ciidamada iyo saraakiishii Badbaado Hiiraan aanan la bartilmaameedsan lakiin hadda waxaa muuqata in balankii laga baxay hadey arintaasi dhacdana, dowlad hadii ay dumeyso Hiiraan ayay ka dunta hadii ay dhismeysana Hiiraan ayay ka dhismataa, marka waxaa cadeyneyna hadii nimankaas la taabto in Hiiraan go'eyso" ayuu yiri Nabadoon Daahir Magan.

Hadalkaan kasoo yeeray waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa imaanaya xili warar hoose oo suuqa soo galay ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya xilka qaadis la damacsan tahay qaar ka mid ah saraakiishii ciidamadii la baxay Badbaado Hiiraan ee Baledweyne u diiday inuu si xoog ah ku yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]