4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 5 , 2021
Somaliland oo ka jawaabtay hadalkii Raysal Wasaaraha Soomaaliya ka yidhi raafka Laascaanood
 

Talaado, October, 5, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ku eedeysay in uu ka been sheegay qadiyada dadka reer koonfurka ah lagaga tarxiilayo Laascaanood.

Qoraal  kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, oo lagaga jawaabay hadalkii uu raysal wasaare Rooble 3 bishan ka yidhi qadiyada raafka Laascaanood, ayaa lagu sheegay in Somaliland ku qasbanaatay in ay faahfaahin bixiso.

"Kadib hadalkii ayaan darada ahaa ee uu raysal wasaaraha Soomaaliya dhawaan, kaga hadlay arrimo khuseeya masuuliyada madax-bannaanida Somaliland, dowlada Somaliland waxay dareentay in ay ku qasbantahay in ay wax kala caddayso".

Wasaarada Arrimaha Dibbada, ayaa Rooble ku eedaysay in uu ka been abuuray qadiyada dadka reer koonfur ka ah lagaga tarxiilayo Laascaanood.

"Raysal wasaaraha Soomaaliya wuxu doorbiday in uu ka bixiyo war aan sugnayn, iyo eedeeymo aan sal iyo raad lahayn, go'aankii sharciga iyo lagama maarmaanka ahaa ee dowladu ku tarxiilayso shakhsiyaad gaar ah oo si sharci daro ah ku daganaa degmada Laascaanood".

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Somaliland ay hoy u ahayd qaxootiga waddamada jaarka muddo tobanaan sanno ah, isla markaana, ay ilaalisay xuquuqaha dadka masaafurka ah sida ku xusan Sharciga Aadaminimada ee Caalamiga ah iyo Dastuurka Somaliland ba.

"Somaliland waxay hoy nabdoon u ahayd qaxootiga kasoo qaxay waddamada jaarka mudadii 30 sanno ahayd ee lasoo dhaafay, sida ay farayso waajibaadka bini'aadamnimo ee ku xusan Xeerka Aadaminimada ee Caalamiga ah, Dastuurka Somaliland iyo xeerka muwaadinimada, dowlada Somaliland waxay ilaalisay nolosha iyo amaanka dadka ku nool gudaha xuduudaheeda".

Warbixinta ayaa lagu sheegay  in masaafurinta dadka laga tarxiilayo ciida Somaliland, ay sababtay arrimo amaan, codsi kayimid bulshada iyo maamulka Laascaanood, hay'ada sirdoonka gobolka iyo xogo si toosa u sheegay in shakhsiyaad kani ay khatar galinayeen amaanka bulshada.

Waxa kale oo lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay ilaalisay xuquuqda dadka laga masaafuriyay gobolka Sool.

"Xukuumada Somaliland way ku qasabanayd in ay talaabadan qaado iyadoo ilaalinaysa xuquuqaha aadaminimo, sida biyaha, cuntada, hoyga iyo in aan la gaadhsiin waxyeelo iyaga iyo hantidooba".

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Somaliland dhamaan jaararkeeda xidhiidh wanaasan kala leedahay arrimaha tahriibka iyo ilaalinta xuduudaha, waxayna dowlada Soomaaliya ku eedaysay in si ay indhaha caalamka uga jeediso guuldarooyinkeeda, ay eedo cid kale dusha u saarayso.


Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]