4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 31, 2021
Dowladda Ingiriiska oo isku diyaarinaysa in ay ciiddamo aad u tababaran usoo dirto Soomaaliya
 

Axad, October, 31, 2021 (HOL) - Boqolaal askari oo British ah ayaa isku diyaarinaya in loo soo diro Soomaaliya bilo gudahood si ay gacan uga geystaan la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ee sii kordhaya.

Ciiddamada lugta Britain ayaa kordhin doona howlgalada tababarada, si ay ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ugu carbiyaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha Ingriiska ee ka tirsan cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa horey ugu sugnaa Soomaaliya iyagoo qorsheynaya howlgalka la filayo inuu bilaabmo dabayaaqada 2022.

Tiro yar oo ciidamo UK ah ayaa Soomaaliya ku sugnaa kuwaas oo in muddo ah ka caawinayey dhanka tababarada, balse hadda dowladda UK ayaa sii kordhinaysa ciiddamadaas.

Ciiddamada UK, waxay tababar siinayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 60-aad ee ka howlgala inta u dhaxeysa xerooyinka Baydhabo iyo caasimadda Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada lugta Biritishka oo aad loo tababaray laga yaabo in ay Danab kala taliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online