4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 31, 2021
Maraykanka oo horumarinaya siyaasadiisa ku aadan la dagaalanka Alshabaab
 

Axad, October, 31, 2021 (HOL) - Kaaliyaha amniga ee madaxweynaha Maraykanka Dr. Liz Sherwood-Randall, Taliyaha AFRICOM General Stephen Townsend, iyo Kaaliyaha Xoghayaha Difaaca ee Hawlgalka Gaarka ah iyo Xiisadaha Hoose Chris Maier ayaa soo gabagabeeyay safar ay ku tageen Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.

Aqalka Cad ayaa sheegay in safarka mas'uuliyiintan uu ahaa hormarinta siyaasadda maamulka Biden ee la-dagaallanka argagixisada, awood-siinta wada-hawlgalayaasha maxalliga ah si ay uga hortagaan khataraha argaggixisada.

Saraakiishu waxay la kulmeen ciidamada Maraykanka ee ku sugan Jabuuti, Soomaaliya, iyo Kenya kuwaas oo mas'uul ka ah fulinta howlgallada la dagaalanka kooxda al-Shabaab, iyagoo caawinaad ka helaya Maraykanka.

"Booqashadeenna oo dhan waxay ahayd si loo xoojiyo ogaanshaha khataraha soo ifbaxaya iyo kor u qaadista wada-shaqeynta aan la leenahay saaxiibada maxalliga ah iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM)," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Aqalka Cad.

Dowladda Maraykanka ayaa qorsheynaysa in ay ballaariso taageerada milatari oo ay ku bixiso dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah argigixisada ku sugan dalalka Afrika ee u nugul khataraha amni ee ururada xagjiriintu maleegaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online