4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 30, 2021
Madaxweyne Deni: Puntland kama shaqaynayso wax kaste oo cabaqad ku ah amniga iyo horumarka maamulada kale
 

Sabti, October, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa iska fogeeyay in maamulkiisu uu ka shaqeynayo wax kaste oo caqabad ku ah amniga iyo wada-shaqaynta kala dhaxaysa dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federalka.

Madaxweyne Deni ayaa u muuqday mid ka jawaabayay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Galmudug oo ku saabsanaa in ay jiraan maamulo deris dhow la ah Galmudug oo hurinaya colaadda Guriceel, taageerana siinayay Ahlusunna.

“Waxaan idiin xaqiijinaynaa in aan mar walba wada shaqayn dhow laleenahay dowladdaha xubnaha dowladda federalka, wax kaste oo amnigooda iyo horumarkooda wax  u dhimayana, waxay sidoo kale lid ku yihiin amnigeenna,” ayuu yiri Deni."

Maamulka Galmudug ayaa aaminsan in hoggaamiyayaasha Ahlsunna Waljamaaca ay si dhow ugu xiran yihiin Puntland, waxaana madaxweynaha Galmudug uu sheegay in dano siyaasadeed laga leeyahay dagaalka Gurirceel.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Sanyare. ayaa horey u beeniyay in Puntland haba yaraatee ay lug ku leedahay  dagaalka Guriceel, isagoo wax kama jiraan ku tilmaamay in  ay hub iyo saanad milatari siiyeen Ahlusunna.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online