4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 30, 2021
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia oo ka hadlay Soomaali badan oo lagu xirxiray dalkaasi
 

Sabti, October, 30, 2021 (HOL) - Ciidamada Booliiska wadanka Zambia ayaa shalay xabsiga u taxaabay boqolaal muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku nool caasimada labaad ee dalkaasi Ndola Xili ay kasoo baxeen Saaladii Jimcaha.

Dadkan Soomaaliyeed ee Booliiska dalkaasi ay Masajidka ka hor qabqabteen ayaa waxay isugu geeyeen garoon lagu ciyaaro kubada cagta oo ku yaala magaaladaasi.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia Maxamuud Maxamed Hiiraan ayaa sheegay, in markii ay ka war heleen in dad Soomaali ah oo lagu xir xiray magaalada Ndola iney xiriir deg deg ah la sameeyeen dowladda wadanka ay u suurta gashay in lasii daayo inta badan dadkii la xirxiray.

"Dadka Soomaaliyeed waxaa la qabqabtay iyaga oo kasoo baxay salaadii Jimcaha oo masaajidka wali hortaagan, waxaana dowladda ay inoo sheegtay in dadka sharciyada leh iyo kuwa anan laheyn kala saareyso sidaas darteed dadaalo aan sameynay waxa noo suura gashay in lasii daayo dadkii sharciyada haystay kuwii aanan haysan oo tiro yar ayay reebteen waana ku dadaali hayna sidii usoo deyn laheyn" ayuu yiri guddoomiyaha Jaaliyadda Maxamuud Maxamed Hiiraan.

Waxuu sidoo kale sheegay guddoomiye Maxamuud Maxamed Hiiraan in waayahan dambe aysan dhicin in tiro intaaso Soomaali ah ay Booliiska Zambia xiraan, islamarkaana sababta keentay ay tahay dowlad cusub oo uu wadanka yeeshay iyo magaalada Ndola oo ah magaalada kaliya ay Soomaalida ugu badan ku nooshahay.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Soomaalida lagu xirxiray dalka Zambia ayaa sheegtay iney walaac xooggan ka muujineyso xarig wadareed dowladda Zambia  ay kula dhaqaaqday dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalasho ahaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]