4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 30, 2021
Dowladda Soomaaliya oo walaac xooggan ka muujisay xarig loo geystay Soomaali ku nool Zambia
 

Sabti, October, 30, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay xarig wadareed dowladda Zambia  ay kula dhaqaaqday dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalasho ahaan,

War-saxaafaddeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ay dowladdu xilligan ku howlantahay sidii caddeymo uga heli lahayd dowladda Zambia, loona xallin lahaa arrintan.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waa arrin walaac dhalisay, waxa ayna xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka looga xumaaday" ayaa lagu yidhi War-saxaafaddeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Booliiska Zambia ayaa dadka Soomaalida kasoo qabqabanaya guryahooda iyo goobahooda ganacsi, waxayna isugu geeyeen garoon kubaddeed, lamana garanayo ujeeddada ku gaarka ah Soomaalida.

Muuqaal lasoo galiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay boqolaal Soomaali ah oo isugu jira rag, dumar iyo carruur, oo la isugu keenay garoonka ciyaaraha.

Dowladda Zambia weli wax war ah kamasoo saarin xarriga dadka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool, iyadoo la ogyahay in Soomaali badan ay ganacsiyo waawayn ku leeyihiin dalkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online