4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 3 , 2021
Booliiska Somaliland oo maalintii labaad dadka reer Koonfur Galbeed ka ururinaya Laascaanood
 

Axad, October, 3, 2021 (HOL) - Booliiska Somaliland ee Gobolka Sool, oo maalintii labaad wada howlgal lagu masaafurinayo, dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa Garoonka Kubada-cagta ee Laascaanood ku ururiyay dad gaadhaya 500 oo qof, sida VOA Somali ku warantay.

Mid kamida dadka booliisku kasoo qabteen magaalada Laascaanood, oo waraysi siiyay wariyaha VOA Somali ee Laascaanood Cabdikariin Olol, ayaa sheegay in tirada dadka maanta booliisku soo qab qabteen ay gaadhayso ilaa 500 oo qof, isagoo sheegay in ay jiraan dad caruurtoodii ay kala lumeen.

"Waa maalintii labaad, inkasta oo dadkii shalay la qaaday ay naga sii rafaad badnaayeen, anagana rafaad naguma yara, dad baan imika caruurtoodii aan haysanin oo magaalada lagu soo kala qaaday, in ay halka iskugu imaan doonaan iyo in kale lagama warhayo, dadku in ay wada sheekaystaan lama ogola, dadkayaga halkan layskugu keenay 500 oo qof way dhanyihiin" ayuu yidhi .

Sidookale, gabadh magaceeda ku sheegtay Faadumo Xasan oo kamid ah dadka booliisku soo qabteen, ayaa sheegtay in lagu hayo Garoonka Kubada-cagta ee Laascaanood, waxayna sheegtay in aan lasiinin wax cunto ah marka laga reebo biyaha oo ay ka cabayaan barkad meesha ku taala.

"Guryihii ayaa nalaga soo qaaday, meel bacad ah ayaanu taaganahay, wax danbi ah oo aan galayna garan maayo, bilaa qado iyo bilaa qureec ayaanu ku taaganahay, waxaa nala geeyay Garoonka Kubada-cagta ee Laascaanood, barkad halkan ku taala ayaanu biyaha ka cabaynaa, lakin, in cunto naloo keenaana way fiicnaan lahayd" ayay tidhi Faadumo.

Xukuumada Somaliland ayaa maalintii shalay bilowday qab qabashada iyo masaafurinta dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana ilaa hada la mastaafuriyay tiro lagu qiyaasay 700 oo qof.

Lataliayaha gaar ka ah ee madaxweynaha Somaliland Cali Maxammed Waran-cadde, oo waraysi siiyay Universal, ayaa howlgalka masaafurinta ah ku sheegay in uu yahay mid xukuumadu ay uga gol leedahay sugida amniga Laascaanood.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]