4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 29, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaalo khasaare geystay oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka J/hoose
 

Jimco, October, 29, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo khasaare geystay oo ka dhacay deegaanada Taabta iyo Kulbiyoow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalada ayaa yimid kadib markii askar ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab weerareen Saldhigyada ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya deegaanada Kulbiyoow iyo Taabta.

Weerarada ka dhacay deegaanadaasi ayaa  waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lasoo wariyay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dadka ku dhaqan deegaanada Taabta iyo  Kulbiyoow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana hubka culus iyo kuwa fudud la isku adeegsaday intuu dagaalka socdayna ay dareemayeen casbi xoogan oo la xariirta iney waxyeelo kasoo gaarto rasaasta dagaalka.

Saraakiisha ciidamada Kenya ee gobolka Jubbada Hoose wax faah faahin kama bixin weeraradaas, hayeeshee dhowr jeer ayay Al-Shabaab weerareen Saldhigyada Ciidamada Kenya ee Gobolka Jubbada Hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]