4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 29, 2021
Madaxweyne Qoorqoor “Cidna kama ogolaaneyno in ay hub sharci daro ah ay ku heysato tuulo ka mid ah Galmudug"
 

Jimco, October, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa isagoo ka hadlaayay xaalada dagaaladii degmada Guriceel ugu horeyn waxa uu tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay dagaaladii ka dhacay degmadaasi.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in lagu soo duulay maamulkiisa iyo dowladnimada, islamarkaana ay dagaaladii dhacay uu sheegay iney ku dhinteen wiilashii ugu qiimaha badnaa ayna aheyd wax si weyn looga xumaado oo aanan la qaadan karin.

"Waxaan isku daynay oo aan wado kasto u marnay sidii looga baaqsan lahaa dagaal dhibaato u geysta dadka deegaanka oo waxaan jiho kasto u marnay inaan Ahlu Sunna kala hadalno xooga ay ku qabsadeen magaalada iney isaga baxaan si aanan dagaal u dhicin, lakiin cidkasto aan u dirnay way kuso gacan seyreen" ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sidoo kale fariin adag u diray dagaalamayaasha hubeysan ee Ahlu Sunna Waljameeca, islamarkaana sheegay in kooxo hubeysan aysan ka aqbali doonin in gorgortan siyaasadeed la galaan.

“Cidna kama ogolaaneyno in ay hub sharci daro ah ay ku heysato tuulo ka mid ah Galmudug, iskaba daaye in ay degmo soo weerarto”ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa amaan iyo bogaadin balaaran u jeediyay shacabka reer Galmudug gaar ahaan kuwa kasoo jeeda degmada Guriceel ee jooga dalka iyo dibadiisaba oo uu sheegay iney garab istaag xoogan u muujiyeen dowladnimada mudadii uu socday dagaalkii Guriceel.

Gabagabadii hadalkaan ayuu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ka sheegay kulan xalay Magaalada Guriceel uu kula qaatay Maamulka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaas oo isugu jiray Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]