4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 29, 2021
Guddiga Hirgelinta Doorashada Gobolada Waqooyi oo soo saaray Jadwalka Laba Kursi oo ka mid kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka
 

Jimco, October, 29, 2021 (HOL) - Guddiga Hirgelinta doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada laba ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda tahay gobolada Waqooyi.

Jadwalka ay soo saareen guddiga ayaa lagu sheegay in maanta oo Jimco ah ay bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Golaha Shacabka ee tirsigoodu yahay HOP239 iyo HOP237.

Labada kursi ee la shaaciyay mid ka mid ah oo ah HOP239 waxaa ku fadhiyay Xuseen Carab Ciise, waxaana shaqiyaadka doonaya iney u tartamaan ka mid ah Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar.

Waxaa Sidoo kale kursiga kale ee tirsigiisu yahay HOP237,  horey ugu fadhiyay Biixi Iimaan Cige, waxaana guddiga doorashada Somaliland ay sheegeen sida ku cad jadwalka ay soo saareen in diiwaan gelinta Musharaxiinta laba kursi ee maanta bilaabaneysa lasoo gabagabeyn doono sabtiga berito ah.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Hoos ka Akhriso Jadwalka ay soo saareen Guddiga Hirgelinta Doorashada gobolada Waqooyi:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]