4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 28, 2021
Siyaasi Maxamuud Xaashi "Talaabadani waxay muujinaysa dareenkii jiray ee ahaa in xisbiga Kulmiye taladi dalka la ambaday"
 

Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, oo maanta laga saaray xisbiga Kulmiye oo uu hore uga tirsana, ayaa talaabada xisbiga lagaga saaray ku macneeyay talo xumo, waraysi uu BBC Somali siiyay.

"Talaabadani waxay muujinaysa dareenkii jiray ee ahaa in xisbiga Kulmiye la ambaday hogaankii dalka, isla markaana xisbiga Kulmiye uu noqday jabad kud kude iyo qaniin buuxiyay, aniguna horaan u ogaayo nina wuxuu ogyahay waxba ma yeelo" ayuu yidhi Xaashi.

Xaashi oo la waydiiyay in uu isagu qaladka leeyahay madama oo isaga oo ka tirsan xisbiga Kulmiye uu taageero siiyay xisbi mucaarad ah, waliba uu halgan u galay guddoomiyenimada xisbigaa, ayaa sheegay in awoodihii xisbiga Kulmiye uu kulahaa odhan laga qaaday taasina ay sababtay in uu cid kale taageero.

"Cida xilka haysay aniga ma ahayn, anigu xubin xisbiga kamid ah baan ahaa, horayna edegiisa waa layga saarayo, golihii dhexe ayaa layga saaray, fulintii ayaa layga saaray, nin xisbiga marti ku noqon karana maan ahayn oo meesha dadka caadiga ahi joogaan joogi kara, waxan ahaa nin siyaasi oo wayn, oo guushii xisbiga Kulmiyana bud dhig u ahaa, markaa anigu ma anban" ayuu yidhi Xaashi.

Sidookale, wuxuu sheegay in uu danta Somaliland u arkayay in uu taageero xisbiga Waddani isagoo ka tirsan Kulmiye oo aan ka tagin, madaama buu yidhi talada hogaanka Kulmiye qaloocatay.

Xaashi ayaa ugu danbaybtii sheegay in uu talo ula noqon doono qaybo kamid ah xisbiga Kulmiye oo uu sheegay in ay isaga taabacsanyihiin, intaa kadibna, uu sheegi doono go'aan kiisa kama danbaysta ah.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]