4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 28, 2021
Tuugo hab-casri ah dadka u dhacda oo Hargaysa lagu qabtay
 

Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland qaybta saldhiga xaafada New Hargaysa ee magaalada Hargaysa, ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo hab casri ah dadka ugala baxa lacagta ugu jirta telefoonada gacanta, kuwaasi oo lacag dhan $7000 ka dhacay dirawal tagsiile ah oo ka shaqeeya Hargaysa.

"Inan yar ayaa igu yidhi lambar ii garaac ayeeyo ayaa dhimataye, kadibna qof ayuu garaacay oo wuxuu yidhi lacag aan kugu soo dirsado, waan ka diiday, kadibna telefoonkii buu ii dhiibay, hadhaagaygii ayaan eegay waxan ogaaday in uu la baxay $7000 iigu jirtay" sidaa waxa yidhi tagsiilaha ay tuugadu dhacday.

Taliye ka tirsan saldhiga booliiska ee New Hargaysa, ayaa sheegay in kiiska ninka tagsiilaha ah ay u soo qabteen laba eedaysane oo lagu tuhunsanyahay in ay ka danbeeyeen falka lacagta telefoonka lagagala baxay.

"26 bisha saldhiga waxaa lagu soo xidhay nin la yidhaa Sahayb Cabdillaahi iyo nin la yidhaa Xasan Maxamed, kuwaasi oo si tiknoolajiyad ah ugala baxaya lacagta mobilada dadka ugu jirta" ayuu yidhi taliyuhu.

Waxa kale oo uu sheegay in ay beegsanayaan dirawalada ku shaqaysta tagaasida sida fogaan ta ah loo dalbado ee Dhaweeye, kuwaasi oo intay waydiistan in uu qof u waco kadibna sidaa ay ku helayaan dhamaan macluumaadkiisa iyo biinkoodhka lacagta ugu xidhan.

"Waxay ku isticmaalayaan dhaweeyaha, 2 da nin nin ahaan ayaa dhaweeyaha looso dirayaa, kadibna wuxu ku odhanayaa lambar ayaa lacagta soo dirayee lambar kaa gali, kadibna wuxuu ku dhacayaa ninkii uu lahaa lacagta ayuu soo diraya, nin kaasi wuxuu helayaa macluumaadkii ninkaa dhaweeyaha ah, isla markaa si casri ah oo aynaan inagu gaadhin ayuu sheegay in uu u helayo bin koodhkii ninka" ayuu yidhi taliyuhu.

Ciidamada booliiska ayaa bulshada uga digaya in ay ka taxadaraan qofka ay u dhiibayaan telefoon kooda gacanta, si looga taxadaro dhaca ay gaysanayaan tuugada internetku.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]