4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 28, 2021
Ururada mucaaradka Puntland oo isku bahaysanaya in ay la wareegaan talada saddexda degmo ee dhawaan doorashooyinku ka dhaceen
 

Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Ururada mucaaradka Puntland ayaa sameystay is-bahaysi ay ku doonayaan in ay kula wareegaan talada saddexda degmo ee dhawaan ay ka dhaceen doorashooyinka golayaasha deegaanka ee lasoo horumariyay.

Labada urur ee mucaaradka ah, Mideeye iyo Sincad ayaa wacad ku maray in ay meesha ka saaridoonaan ururka Kaah ee muxaafidka ah, kaasoo helay codadka ugu badan doorashada saddexda degmo.

Midowga labada urur ayaa ka dhigan in ay haystaan codad aqlibiyad leh oo ka caawinaya in ay ku guulaystaan guddoomiyayaasha degmooyinka Qardho iyo Ufayn, halka Eyl-na loo badinayo Kaah oo haysta codad ku dhow aqlibiyad, si uu ugu guulaystay duqa Eyl.

Guddiga doorashada Puntland ayaa laga sugayaa inuu shaaciyo jadwalka doorashada guddoomiyayaasha saddexda degmo, inkastoo maxkamadda sare laga sugayo in ay meel mariso doorashada.

Puntland, waa markii ugu horraysay oo ay qabato doorashooyin nuucaan ah, iyadoo horey loogu fashilmay isku day nuucaan oo kale ah sannadkii 2013, xilligii maamulkii Cabdiraxmaan Faroole.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online