4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 28, 2021
Puntland oo iska fogeysay in ay ku lug leedahay colaada Guriceel ka jirta ayna hub siisay Ahlusunna Waljamaaca
 

Khamiis, October, 28, 2021 (HOL) - Maamul goboleedka Puntland ayaa iska fogeeyay inuu wax lug ah ku leeyahay colaadda ka jirta magaalada Guriceel ee u dhaxaysa mamulka Galmudug iyo urur diimeedka Ahlusunna Waljamaaca.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur oo shir jaraaid ku qabtay Gaalkacyo, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in Puntland kaalmo u fidisay ururka Ahlusunna Waljamaaca.

Guddoomiyaha ayaa arrintaas ku tilmaamay dacaayad raqiis ah oo lagu doonayo in colaad iyo nacayb looga dhex abuuro Puntand iyo Galmudug.

“Waa Borobogaando meel kale kasoo maaxatay oo lasoo dhexmarsiiyay Galmudug. Puntland waxay ogtahay in burburka Galmudug uu yahay naafonimada Puntland" ayuu yiri guddoomiye Sanyare.

Guddoomiye Sanyare wuxuu sheegay inay Puntland  ka xun tahay wax ka dhacaya Guriceel, wuxuuna ugu baaqay Galmudug inay xal ka gaaraan colaadda dhexdooda ka jirta, iyadoo aan cid kale fara galin.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa labo maalin ka hor sheegay in colaadda Guriceel ay ku lug leeyihiin Soomaali iyo ajaanib, isagoo sheegay inay soo bandhigidoonaan caddeymo rasmi ah.

Warar aan weli si dhab ah loo xaqiijin ayaa sheegayay in ciiddanka Galmudug ay qabteen hub laga keenay dhinaca Puntland oo loo siday magaalada Guriceel si loogu taageero Ahlusunna Waljamaaca.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online