4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 27, 2021
Abaaro ba'an oo laga soo sheegayo Dowlad Degaanka Soomaalida ee Itoobiya

 

Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Abaaro daran oo dad iyo duunyaba saamaysay ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto qaybo kamid ah gobollada uu ka kooban yahay dowlad degaanka Soomaalidu.

Meelaha ugu sii daran ee ay abaartu ka jirto ayaa waxaa kamid ah gobolka Daawa, oo ay ka jirto abaar middii ugu darnayd, iyadoo xoolo badan ay ku le'deen abaarta, sidoo kalena dadkii ay ka baro kaceen abaarta, kuna barakaceen gobolada dariska la ah gobolkan abaartu saamaysay.

Sidoo kalena biyo yaraan ayaa laga soo sheegayaa meelaha ay abaartu ka jirto, iyadoo roobabkii xilliyadan looga bartay inay da'aan aysan ka di'in degaanka, isla markaana dadkii iyo duunyadiiba ay saamayn wayn ku yeelatay biyo yaraanta ay ugu darsantay abaartu.

Dhinaca kale dowladda ayaa sheegtay inay in badan iskudayday inay dadaalo ka gaysato abaartan, balse abaartani ayaa noqotay mid ka baxsan awooddii dawladda.

Isu soo duuboo abaarahan hadda ka jira degaanka, ayaa hadaan wax laga qaban keeni kara saamayn badan oo dad iyo duunyaba ay ku baaba'aan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]