4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 27, 2021
Khaatumo oo ku dhawaaqday go'aan Somaliland ka dhan ah

 

Arbaco, October, 27, 2021 (HOL) - Madaxda Khaatumo ayaa shir laba cisho uga socday magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, kaga dhawaaqay in ay ka baxeen hishiiskii ay hore ula galeen xukuumada Somaliland xiligii madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha ku meel gaadh ka ah ee Khaatumo Maxamuud Cabdillaahi Cali (Caano-nuug), ayaa madasha shirka kaga dhawaaqay in ay gabi ahaanba ka baxeen heshiiskii ay hore ula galeen, xukuumada Somaliland.

"Hees baan maqlay tidhaahda intaad sacabka tumi lahayd adba noqo ka loo tumo, go'aan kayagu wuxuu yahay in aanu ka baxnay waxkasta oo aanu la galnay qolada inag xigta dhinaca waqooyiga Soomaaliya, waxad hoosta ka xariiqdaan inagu waxaynu nahay maamulka Khaatumo ee Soomaaliya, oo hoostagta dowlada federalka Soomaaliya" ayuu yidhi Caano-nuug.

Caano-nuug ayaa waraysi uu muddo 6 bilood kahor ah bixiyay ku sheegay in heshiiskii ay xukuumada Somaliland la galeen, uu ka fuli waayay xaga Somaliland.

Xukuumada madaxweyne Biixi oo laga filayay in ay fuliso heshiisyadii xukuumadii Siilaanyo hore ula gashay Khaatumo, ayaa muddo 4 sanno ah oo ay joogtay aan habo yaratee fulin wax kamid ah qodobadii lagu heshiiyay.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]