4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 26, 2021
Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay natiijada horudhaca ah ee doorashada golayaasha deegaanka
 

Talaado, October, 26, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay qaar kamid ah natiijoyinka goobaha codbixinta ee doorashada golayaasha deegaanka saddex degmo oo katirsan Puntland.

Doorashadan oo ah mid dadweynuhu codkooda ka dhiibanayaan, ayaa soo billaabatay shalay lixdii subaxnimo, waxayna soo xirantay xalay fiidnimadii , waxaaana ururada ku loolamaya ay kala heleen codad kala duwan.

Guddiga doorashada ayaa bulshada la wadaagay codadka 11ka goobood oo la tiriyay oo ka kala tirsan saddex degmo ee kala ah, Qardho, Eyl iyo Ufayn. Waxayna ururadu u kala heleen sidatan:-

Ururka Kaah 1687 cod

Ururka Mideeye 1300 cod

Ururka Sincad 1248 cod

Ururka Mustaqbal 192 cod

Ururka Horseed 180 cod

Ururka Runcad 47 cod

Ururka shaqaalaha xoogsatada 13 cod

Ururka Ifiye 8 Cod.

Guddiga doorashada ayaa la filayaa inuu goor dhow si rasmi ah ugu dhawaaqo guud ahaan natiijada doorashada iyo xildhibaannada golayaasha deegaanka ee urur kaste usoo baxay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online