4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 12, 2021
Dowladda Soomaaliya oo rajo wanaagsan ka muujisay in ay galabta ku guulaysanayso kiiska badda
 

Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta rajo aad u weyn ka muujinaysa in ay ku guulaysan doonto dacwadda kiiska badda oo galabta lagu wado in maxkamadda ICJ ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo, sida uu qorshuhu yahay.

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud oo kamid ah wafdiga dowladda Soomaaliya ee ku sugan maxkamadda Hague, ayaa sheegay in ay rajeynayaan in dowladda Soomaaliya ku guulaysato in ay dib usoo ceshato xaqa baddeeda ee muranka la galiyay.

“12 maanta oo kale 67 sano ka hor waxay ku beegan tahay markii la yagleelay calanka Soomaaliyeed. Sidoo kale maanta 12-ka October waxaan Ku hanweynnahay in la inoo sugo xaqa badeenna muranka la galiyey. Guul iyo gobannimo waarta bulshada Soomaaliyeed,” ayuu xeer ilaaliyuhu ku  yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.

Ma jiro wafdi ka socda Kenya oo ku sugan maxkamadda, taasoo ka dhigan, in ay Kenya ku adkaynayso go’aankeedii ahaa in ay ka hor imaan doonto xukun maxkamadda kasoo yeera.

War-saxaafaddeed shalay kasoo baxay maxkamadda ICJ, ayaa lagu sheegay in aanu waxba iska beddelin xilliga lagu dhawaaqayo go’aanka maxkamadda oo ah maanta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online