4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 11, 2021
Guddiga doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed oo kulamo ka bilaabay magaalada Baledweyne
 

Isniin, October, 11, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xalay aqalka madaxtooyada gobolka Hiiraan waxa uu casho sharaf iyo soo dhaweyn uu ugu sameeyay xubnaha ka socday guddiyada doorashada Fedaraalka iyo Hirshabeelle.

Casho sharafta waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka gobolka kan degmada iyo waliba qeybaha kale ee bulshada rayidka.

Masuuliyiintii ka hadashay munaasabada casha sharafta ayaa dhamaantood ka mahadceliyay casha sharafta uu u sameeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Xubnaha ka socday guddiyada doorashada heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed ayaa goobta ka sheegay iney ka shaqeyn doonaan sidii ay magaalada Baledweyne uga qabsoomi laheyd doorasho cadaalad ku dhacda.

Guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan ayaa gudiga u balan qaaday inta ay Joogan Beledweyne ka maamul ahaan la garab istaagi doono wadashaqeyn iyo daah-furnaan si loo gaaro hiigsiga iyo himilada doorasho nabdoon sidii ay uga dhici laheyd Baledweyne, isagoona shacabka ka dalbaday inay kala shaqeeyaan gudiga iyo maamulka iyo sidoo kale laamaha Amaanka qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddigan ayaa shalay gaaray magaalada Baledweyne si ay u kormeeraan goobaha ay ka dhici doonaan doorashooyinka Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]