4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 9 , 2021
Ra’iisul Wasaare Rooble "kursi cid loo xirayo majirto”
 

Talaado, November 9, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Roble ayaa sheegay in dabayaaqada Bisha December ee sanadkaan lasoo gaba-gabeyn doono doorashada Xildhibaanada Baarlamanka 11-aad ee dalka, si uusan dalku u galin firaaq dastuuri ah.

Hadalkaan ayuu ka sheegay xilli galabta kulan habka fogaan aragga ah la yeeshay xubnaha Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed.

Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddu diyaar u tahay fududeynta arrimaha farsamo, amni iyo dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada.

Isagoo guddiyada faray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan qorshe howleedka qabashada doorashada, ayna tagaan goobaha doorashadu ay ka dhaceyso.

Isagoo la hadlayay guddiyada ayuu Ra’iisul Wasaaruhu  carrabka ku adkeeyay in uusan jirin kursi cid gaar ah loo xirayo, ayna lagama maarmaan tahay in tartanku noqdo mid furan oo xalaal ah.

"kursi cid loo xiraayo majirto, kursi qof laga cilinayo majirto, cidaan ku arkana talaabo deg deg ah ayaan ka qaadayaa, sido kale maalin walba waa la ii qaabsadaa ha ilaawina qoondada dumarku waa 30%” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen ayaa sido kale kula dardaarmay Guddiga Xallinta Khilaafaadku in ay si dhow ula socdaan howsha doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyn sheegay in uu  todobaadka soo socda bilaabi doono booqasho uu ku tagayo goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, si uu ugu kuur galo habsami u socodka doorashada.

Yusuf Abdi Shire, Hiiraan Online
[email protected]