4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 7 , 2021
Madaxweynaha Puntland oo isku shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah taliyayaasha laaamaha booliiska
 

Axad, November 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa isbedel weyn ku sameeyay taliyayaasha ciiddamada booliiska gobollada Bari, Nugaal, Madaxtooyada, Dekeda Bosaso iyo hoggaanka dambi baarista ee CID.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa ugu horrayn sareeyo guuto Cumar Cabdi Cilmi, loogu magacaabay hoggaanka dambi baarista (C.I.D) ee cidanka Booliska Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale magacaabay agaasime ku xigeenka hay’adda maamusha ciiddanka badda Puntland (PMPF), waxaana loo magacaabay Maxamuud Silaal Cumar.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa taliyaha cusub ee qeybta booliiska gobolka Nugaal u magacaabay, gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud oo horey u ahaa taliyihii booliiska gobolka Bari.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale taliyihii ciiddanka madaxtooyada Puntland, gaashaanle sare, Cabdiqaaditr Jaamac Dirir, u u bedelay taliyaha booliiska gobolka Bari.

Deni wuxuu sidoo kale taliyaha dekeda Bosaso u magacaabay sarkaal magaciisa lagu sheegay Warsame ahmed shirwac, oo katirsanaa saraakiisha booliiska.

Isbedelkan uu sameeyay madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmay, iyadoo dhawaan xilkii laga qaaday taliyihii ciiddanka booliiska Puntland, General Cabdi Xasan Xuseen (Cabdiyare).

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online