4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 7 , 2021
Ra'iisul Wasaare Rooble iyo James Swan oo ka wada hadlay dardar galinta doorashada
 

Axad, November 7, 2021 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Labada masuul waxay ka wada hadleen dardargelinta doorashooyinka dib u dhaca badani ku yimaadeen iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamka ay ku bixinayso fulintooda.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale ku boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka BFS.

Doorashada golaha shacabka ayaa labadii kursi ee ugu horreeyay lagu doortay magaalada Muqdisho,  balse mid kamid ah labada kursi oo uu ku guulaystay raysal wasaare ku xigeenka ayaa dacwad lagasoo gudbiyay awgeed loo joojiyay in lagu dhawaaqo natiijadiisa.

Dhawaan beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay dib u dhaca ku yimid doorashada aqalka hoose waxayna dowladda iyo dowlad goboleedyada ugu baaqeen in la dadajiyo dooraashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online